Hilary Clinton Maxay Ka Tidhi Xil Ka Qaadista Lagu Oogayo Madaxweyne Donald Trump.

0

Hilary Clinton Maxay Ka Tidhi Xil Ka Qaadista Lagu Oogayo Madaxweyne Donald Trump.

Hilary Clinton oo ahayd murashaxii u tartamay xisbiga dimuqraadiga doorashadii madaxweyne ee wadanka Maraykanka ayaa ka hadashay sida ay u aragto xil ka qaadis lagu soo oogay madaxweyne Trump.

Hilary Clinton ay bogeeda Facebook ku baahisay ku sheegtay in madaxweyne Donald Trump uu khiyaamay wadanka Maraykanka isla markaana ay taageersan tahay xil ka qaadis lagu sameeyo.

Fariinta ay Hilary Clinton ku baahisay bogeeda Facebook ayey ku tidhi:-

“Madaxweynaha Mareykanka ayaa khiyaameeyay wadankeena, mana aha hadal siyaasadeed balse waa xaqiiqo adag oo ay tahay inaynu wajahno.”

Hilary Clinton ayaa fariinteeda sii raacisay ” Isagu waa cad yahay inuu khatar hada joogto ku yahay waxyaabaha inaga dhigaya dawlad adag oo xor ah, waanan taageersanahay xil ka qaadista lagu oogayo.