Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Sicir Bararka Ka Jira Somaliland Iyo Isku Badalka Lacagaha

0

Hay’adda UN OCHA ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Isku duwidda Arrimaha Bani’aadamnimada ayaa sheegtay in sicir bararka Somaliland uu kor u kacay qiyaastii 2-4% intii lagu jiray bilihii June iyo Julay ee sannadkan, balse uu si qunyar ah hoos ugu dhacay qiyaastii 3%.

UN OCHA ayaa warbixin ay soo saartay toddobaadkan waxay ku sheegtay in sicir bararku uu Somaliland kor u kacay 2-4% bilihii June iyo July ee sannadkan, hase ahaatee uu si tartiib-tartiib ah hoos ugu dhacay 3%. Marka laga qiyaas qaato sannadkii hore ee 2018.

Dhinaca isku bedelka lacagaha ee sarrifka; warbixintu waxay sheegtay in lacagta Shilinka Somaliland SlSh uu xasiloonaa marka la eego isku beddelka sarrifka lacagta Doolarka ee bilihii June iyo July 2019 iyo bilihii June iyo July 2018kii, waxa warbixintu sheegtay in sannadkan sarrifka lacaguhu sameeyay deganaansho qiyaasteedu tahay 15-17%, taasi oo sida ay OCHA sheegtay muujinaysa in dawladda Somaliland ay xakamaysay jaangoynta sarrifka lacagaha.