Boqor Buurmadow Oo Cadeeyey Sababta Ay Colaada Ceel Afweyn U Soo Noqnoqoto

0

Boqor Cismaan Maxamuud (Buurmadow) ayaa sheegay in arrinta ceel-afwayn ee soo noqnoqotay ay ka dagi la’dahay dhinaca xukuumadda, islamarkaana xukuumadda ku tilmaamay mid taag daran.

Boqorka oo ka hadlayay madal dhaqan oo hargeysa ka dhacday ayaa xukuumadda ku canaantay inay ka gaabisay doorkii ay ku lahayd xallinta colaadda ceel-afwayn. Waxaanu yidhi, “Soomaalidu waxay tidhaahdaa nin reerkiisa bahal ku jiro orod darane lama yidhaahdee ayaan darane ayaa la yidhaahdaayoo inuu ordayo oo uu isleeyahay bahalka ka reeb waad wada garanaysaan. Waxse aan umalaynayaa qolada reer xamar ayaynu beri ku dacaayadayn jirnay oo aan odhan jirnay Cali gar leh, caydiid gar leh waxay kala sheegi kari waayeen meeshay dhibtu ka jirto. Anuu waxaan leeyahay labada ardaa ee ehelka ah ee meesha ku wada hadlaya anoo afkooda ku wada hadlaya, way fadhiyaan guurtidii suldaan dhagool iyo garaad jaamac iyo raggii arrinkayaga galay. Waxaan leeyahay umadda reer Somaliland dhalliisu maaha labada ardaa, inkastoo aanu waayeelkayagu aanu xaq u lahayn inaan is hor fadhiisano, inaanu dadka kala bogsiino, inaan tasaamux la nimaadno, inaanu is afgarad la nimaadno inaanu tanaasul isula nimaadno waanu isula nimid. Waxaanu isula nimid inaanu dadkii kala saarno oo magtii kala siino wakaasoo wax maga oo ay isku leeyihiin badi ahaantood ma jiraan. Qolo walba jifadeedii waanu u tirinay wixii baaqiga ahaana ballantii siday ahayd bay ku adkaysay oo ay ku bixisay.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “Waar dadka soomaliland maanta waxaan u caddaynayaa masuuliyad-darrada maanta ceel-afwayn ka jirtaa waa dawlad la’aan waxaanu idiin ballan qaadaynaa oo aan idiin sheegayaa inaanu go’aan kasta oo shacbiga somaliland noola yimaaddo inaanu fullino. Laakiin arrinka waxa ka dhiman intii dawladda. Markaanu wax ku heshiino fulintiisii waxay ka fuli la’dahay dawladda, waxaan idiin cadaynaynaa wallaahay kuwa soo celceliya arrinka ee keena waxa jira kuwo aanu saddex jeer dawladda u dhiibnay oo aan nidhi naga haya oo ay soo daysay oo suuqa dhexdiisa wax ku dilay ba jira. Waar haddii dalka aanu dawladi ka jirin waar ceel-afwayn oo aad garanaysaan baa tigno lagu dhex wataa, oo magaalada hub lagu dhex wataa. Magaalo yar bay xasilin kari la’dahay dawladdu. Dawlad daciifa ayaa dalka haysata, xisbiyo adag oo dagaallama oo toosiyana ma haysano, arrinka ceel-afwayn dawladdu nabad kama rabto amnigeedana sugi mayso heshiiskii aanu gaadhnayna ku ilaalin mayso. Anuu ma qaban karo inanka yar ee qoriga halkaa ka soo ridaya markaan idhiaa dawladaay iga qabo haddaanay iga qabanayn, oo haddaan u soo dhiibo oo aan idhaa ka hor tag baan samaynaa oo waxbuu dilayaa aanay iga haynayn ma qaban karayno.”