Waxyar sug, muxuu yahay murankan ku saabsan Trump iyo Ukraine

0

Waxaa jiro khilaaf siyaasadeed cusub o muran dhaliyay oo Mareykanka ka taagan – waxaa qeyb ka ah, Donald Trump, dad ajaaniib ah, su’aalaha iyo dhaqanka sharciga ah, iyo eedo siyaasadeed oo ka dhan ah dad ay ishayaan.

Arrintan waxayba u dhigantaa middii 2016-kii ee Ruushka iyo Trump oo xilligaas musharrax ahaa iyo Hilary Clinton, balse markan waa dal cusub (Ukraine) iyo dadkale oo cusub oo Trump ay ishayaan (Joe Biden iyo wiilkiisa Hunter).

Mr Trump weli wuxuu bartamaha ka yahay arrintan dabcan.

Way adagtahay in sheekadan lala socdo, balse waakuwan qaar ka mid ah jawaabaha khilaafkan:

Dadka sida adag u dhalleeceeya Trump waxay ku eedeynayaan in uu awoodda xilka madaxweynaha u adeegsaday in uu ku handado Ukraine, si ay u soo saaraan macluumaad dhaawaca sumcadda ninka siyaasadda ay ku loollamayaan ee Joe Biden, oo ka tirsan xisbiga Dimuquraaddiga.

Dhanka kale, Mr Trump iyo taageerayaashiisa waxay madaxweyne ku xigeenkii hore ku eedeynayaan in awooddiisii uu si xun u adeegsaday si uu Ukraine ugu cadaadiyo in ay joojiso baaritaan dembi oo canuggiisa Hunter ka dhan ahaa.

Mr Biden waa musharraxa ugu cadcad ee Dimuquraadiga kaas oo doorashada sannadka soo socda foodda dari kara Donald Trump.

Si kale haddii loo dhaho, ma ahan wax ka yar in uu Aqalka Cad wajahayo khatar.

Donald Trump iyo dhiggiisa Ukraine, Volodymyr Zelensky waxay ku wada hadleen telefoon, 25-kii bishii July ee sannadkan 2019.

Madaxweynaha Mareykanka waxaa lagu eedeeyay in madaxweynaha Ukraine uu ku cadaadiyay in uu baaritaan ku sameeyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Mr Biden.

Mr Trump waxaa sidoo kale suuragal ah in uu kala hadlay $250 milyan oo dollar oo taageero militari ah oo Congress-ka ay u ansixiyeen Ukraine – Kaalmo uu maamulka Trump hakiyay siideynteeda illaa bartamihii Septmber ee sannadkan.

Wargeyska Washington Post iyo warbaahinta kale ee Mareykanka waxay sheegayaan in Trump uu ku simaha madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad u sheegay in ugu yaraan isbuuc dib loo dhigo kaalmada dhaqaalaha ah, isbuuc ka hor intuusan telefoonka dirin.

Haa, si xaqiijin loo qaadan karo.

Trump wuxuu sheegay in uu kala hadlay Zelensky dhibaatada musuqmaasuqa iyo sidoo kale Biden iyo wiilkiisa Hunter iyo arrimo kale.

Wuxuu ahaa “wada sheekeysi aad u wanaagsan” oo qadka telefoonka ah – is wicitaan “wax ku ool ah”.

Mareykanka wuxuu taageeraa Ukraine “marka waa inaan xaqiijinno in dalkaas uu yahay daacad,” ayuu hadalka ku daray.

Bartiisa Twitter-ka wuxuu Trump si cad ugu sheegay in muranka ay billaabeen Dimuquraadiyiinta iyo “warbaahinta qalloocan”

Maxay siyaasiyiinta kale ee Mareykanka ka dheheen arrintan?

Siyaasiyiinta Dimuquraadiga ee Congress-ka ka midka ah waxay sheegayaan wicitaanka telefoon – oo uu soo bandhigay qof gudbiyay dacwad aan toos ahayn – ay tahay muhiim, sababtoo ah waxay caawineysaa in la iftiimiyo heshiisyada uu madaxweynaha la galayo madaxda dalalka kale ee caalamka.

Dadka ka soo horjeeda waxay sheegayaan in Trump uu Zelensky uu ku cadaadiyay in uu baaritaan ku sameeyo ganacsi lala xiriirinayo Hunter Biden oo xubin uu ka yahay guddiga fulinta ee shirkad uu leeyahay masuul u dhashay Ukraine.

Waxay xisbiga Dimuquraadiga ku doodayaan in Trump uu doonayay in arrintaas uu wax ugu dhimo sumcadda Hunter iyo aabihiisa.

Xisbiga Jamhuuriga wax badan kama aysan dhihin arrinta. Taas waxay muujineysaa khilaafka ka dhashay arrinta taas oo xubnaha xisbiga aysan isku aragti ka ahayn, sida Washington Post ay qortay.

Balse, Mitt Romney, sanatar laga soo doortay Utah oo ka tirsan Jamhuuriga wuxuu sheegay in uu jeclaan lahaa in waxbadan uu ka ogaado