Maxkamadda Sare Ee UK Oo Sharci Darro Ku Tilmaantay ‘Hakinta’ Howlaha Baarlamaanka

0

Maxkamadda ugu sarreyso Ingiriiska ayaa sharci darro ku tilmaantay go’aanka ra’iisul wasaare Boris Johnson uu muddo 5 toddobaad ah ku hakiyay howlaha baarlamaanka ee dalkaas.

Maxkamadda waxay sheegtay in khalad ay tahay in la hakiyo shaqooyinka baarlamaanka Ingiriiska.

Madaxa maxkamadda sare, Baroness Hale waxay sheegtay in 11 garsoorayaal ay isku waafaqeen in hakinta howlihii barlamaanka ay tahay mid sharci darro ah.

BBC