Tuugo dhacday guriga taliyaha guud ee booliska Koonfur Afrika

0

Koox tuugo ah ayaa dhac ka geeystay guriga taliyaha guud ee dalka Koonfur Afrika, sida uu sheegay afahayeenka booliska.

Guriga Janaraal Khehla Sitole waxay tuugada ka qaateen labo dhalo oo telefishin ah.

“Tuugada waxay xadeen labo dhalo oo teleefishin ah, guriga madaxa booliska hadda waxaa ka socda dhismo, waxaana eegeynaa suurtagalnimada ay ku dhacday arrintaas, waxaan rumeysanahay in dhacdada ay fuliyeen calooshood-u shaqeystayaal” ayuu yiri sareeyo guuto Vish Naudi oo soo xigatay warbaahinta IOL.

Taliyaha guud ee booliska Koonfur Afrika, Janaraal Sitole ayaa ka maqnaa gurigiisa markii ay tuugada dhaceysay, waxaa uu ku sugnaa xilliggaas aqalka baarlamaanka ee ku yaal magaalada Cape Town, sida ay sheegtay warbaahinta IOL.

Taliyaha booliska ayaa hadda dhibane u noqday falal dambiyeedka ka dhaca Koonfur Afrika xilli cadaadiis lagu saarayo inuu wax ka qabto falal dambiyeedyada sare usii kacaya ee ka dhaca dalkaas.