Abiy Axmed oo abaalmariyay askeri diiday laaluush

0

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa shahaado sharafeed guddoonsiiyay sarkaal ka tirsan booliska dalkaas oo diiday inuu qaato laaluush xilli uu ku gudo jiray howl maalmeedkiisa.

Waxaa uu ra’iisul wasaaraha bartiisa Twiitter-ka soo geliyay isagoo shahaadada guddoonsiinayo Siraaj Cabdalla oo uu sheegay ‘inuu yahay nin geesi ah oo diiday inuu qaato laaluush si dalka loo soo geliyo hubka sharci darrada ah’

Siraaji Cabdalla ayaa ka tirsan ciidammada booliska ee maamulka Canfarta oo kamid ah meelaha ugu kulul caalamka.

Gobolka waxaa uu ku yaal xadka Itoobiya uu la wadaago dalalka Jabuuti iyo Eritrea, waa marin ay adeegsadaan kooxaha badeecadaha sharci darrada dalka geliyo iyo xoolo dhaqatada.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya waxaa uu boogaadiyay tallaabada uu ku dhaqaaqay askarigan da’da yar oo uu sheegay in uu yahay nin ku dayasho mudan kaas oo difaacay shacabka.

Office of the Prime Minister – Ethiopia ✔ @PMEthiopia

PM Abiy awarded a certificate of recognition to Siraj Abdella, a member of the Afar Police. Following Siraj’s courageous refusal to accept bribes from weapon smugglers, PM Abiy met Siraj to appreciate him for placing country & people above self in upholding the rule of law. 1/2