Wiilka madaxweyne Morsi oo geeriyooday

0

Wiilkii ugu yaraa caruurta madaxweynihii geeriyooday ee dalka Masar, Maxamed Morsi ayaa xalay magaalada Qaahira ugu geeriyooday wadno xanuun, sida uu sheegay qareenka qoyskiisa.

Abdallah Morsi, oo 25 jir ahaa ayaa waxaa kusoo booday wadno xanuun isaga oo baabuur wada, sida uu qareen Abdel Moneim Abdel Maqsoud u sheegay wakaaladda wararka AFP.

“Qof saaxib la ah oo gaariga la saarnaa, ayey u suurto-gashay inuu baabuurka joojiyo oo isbitalka u qaaday” ayuu yiri qareenka, oo intaas ku daray in tacsida Abdallah Morsi la qaban doono maanta.

Maxamed Morsi – oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee si dimoqraadi ah loogu doorto Masar, kana tirsanaa kooxda hadda la mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiin – ayaa 17-kii June ku dhintay gudaha maxkamadda Qaahira.

Militariga Masar oo uu hoggaaminayey Abdel Fattah al-Sisi ayaa xukunka ka tuuray Morsi, sanaddii 2013-kii.

Maxamed Morsi oo 67 jir ahaa ayaa joogga ka dhacay intii ay socotay maxkamaddii lagu saarayey Qaahira, lix sano kadib markii xukunka laga tuuray.