Maxaa kala haysta New York iyo jiirka

0

Mas’uuliyiinta Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in la soo bandhigay qalab cusub oo lagula dagaalo jiirka faraha ba’an ku haya magaladaaasi.

Qalabkan ayaa ka kooban mashiin, albaab durba is xiraya iyo baaldi ay ku jiraan khamri, kaas oo ay shegeen in haatan lagu la dagaalami doonaa jiirka.

Qalabkan lagu daba jiirka ayaa la dul saaray raashin ama cuno aad uso jiidaneyso jiirka, kadibna gudaha ugu dhacay baaldi uu kahmri ka buuxo.

Magaalada New York ayaa ah magaalo uu aad ugu badan yahay jiirka, halkaa oo jiirka ama dooliga lagu arko goobaha qashin qubka iyo meelaha dadweynaha ay ku badan yihiin, dhibaatooyin badanna uu ku haya dadka.

Sidee qalabkan u shaqeeyaa?

Waa baaldi ay ku rakiban yihiin qalab kale oo ka sameysan qalab gudaha ku ridaya jiirka marka uu soo laaco raashinka loo saaro baaldiga korkiisa.

Anthony Giaquinto, oo ah nin ka tirsan shirkadda sameysay qalabkan ayaa sheegay in jiirka uu gudaha u galayo baaldiga uu khamriga ku jira, kadibna uu ku dhex dhimanayo.

Baaldigan loo farsameeyay qabashada jiirka aya sababi kara in jiirka uu dhinto, waxaana halkii mar lagu qiyaasay in uu dili karo 80 jiir.

Mar uu sharaxayay qalabkan ayaa Mr Anthony waxaa uu bannanka soo dhigay jiir aad u fara badan oo ku dhex dhintay khamriga, waxaana uu intaa raaciyay in muddo bil ah oo ay tijaabinayeen qalabkan ay ku dileen 107 jiir.

Bishii Luulyo ee sanadkii 2017-ka, ayaa madaxda Magaalada New York waxaa ay ku dhawaaqeen lacag dhan 32 milyan oo doolar oo lagu la tacaalayo kumanaanka jiir ee dhibaatada ku haya Magaalada.

Lacagtaas ayaa la sheegay in loo adeegsan doono sidii loogu kharash gareyn lahaa qalabka lagula dagaalamo jiirka.

Khubarada ayaa tijaabiyay waxyaabo dareera ah oo jiirka ka dhigaya in uusan tarmin, balse tijaabadaas ayaa markii dambe guul dareystay.

Tijaabadan cusub ee hadda shaaca laga qaaday ayaa loo arkay inay tahay mid deegaanka u fiican.