Lamaane Ingiriiska ku laabtay oo iyagoo aan ogeyn uu raacay wiil qaxooti ah

0

Lamaane u dashay waddanka Ingiriiska, oo dib uga soo laabtay safar ay ku tageen Faransiiska, ayaa aad u argagaxay markii ay arkeen wiil qaxooti ah oo kusoo dhuuntay sanduuq dusha ka saarnaa gaarigooda.

Simon Fenton iyo xaaskiisa Sally, oo kasoo jeeda magaalada Newbury ee gobilka Berkshire ayaa Sabtidii arkay wiilka 17 jirka ah oo u dhashay dalka Masar, kadib markii ay kasoo noqdeen booqashadii ay ku gaareen magaalada Calais ee dalka Faransiiska.

Mr Fenton ayaa sheegay in uu arrintan ka war helay markii uu sanduuqa gaarigiisa dusha ka saaran ku arkay 2 lugood oo kasoo jeeda.

Ciidamada booliska ee deegaanka dooxada Thames ayaa sheegay in wiilka 17 jirka ah ay u xireen dambi ku saabsan inuu ku xadgudbay sharciga qaxootinnimada.

Isagoo qeexaya arrinta dhacday ayuu Mr Fenton yidhi: “Waxaan guriga joognay muddo 10 daqiiqo ah markii ay xaaskeyga ii qeylo dhaamisay, iyadoo i dhaheysa si dhakhso ah u imoow”.

“Markaan imid waxaan arkay labo lugood oo kasoo jeeday sanduuqa dusha sare ka saarnaa gaariga, qof naga mid ahna horay ma uusan uga sii warqabin”

Lamaanahan, damaashaadkooda fasaxa kusoo qaadanayay magaalada Dordogne ee dalka Faransiiska ayaa habeenkii Jimcada ku hakaday hoteel ku yaalla Calais , ka hor inta aysan kusoo noqonin waddankooda hooyo.

Waxay waceen booliska kadib markii ay ay wiilka ku adkaatay inuu adag kasoo dhex baxo sanduuqa. Waxay sheegeen inay boolisku u digeen ayna ku amreen inay ka fogaadaan goobtaas, si khatarta looga ilaaliyo lacalla haddii uu wiilku hub wato.

Mr Fenton wuxuu sheegay in wiilka yar uu u sheegay inuu kasoo jeedo waddanka Masar.

Wuxuu sidoo kale intaas ku daray in sanduuqa saaran gaarigooda dushiisa laga saaray alaabtii ugu jirtay oo dhan.

“Wuxuu u muuqday qof faraxsan markii sanduuqa laga soo saaray, booliskana halkaas ayey joogeen. waxay ila tahay inuu ku guuleystay qorshihii uu damacsanaa”, ayuu yiri Mr Fenton.

Saraakiisha booliska Thames ayaa sheegay in baaritaanka dhacdadan ku saabsan ay hadda gacanta ku hayaan mas’uuliyiinta arrimaha soo galootiga.