Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Muxuu Ka Yidhi Xarunta Dhaqanka Ee Hargeysa?

0

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay dhaliilaha loo jeediyo xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlayey munaasibad arday loogu qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in xarunta dhaqanka iyo dugsiga Abaarso ay ka mid yihiin meelaha ay somaliland dunida kala macaamisho isla markaana haatan weerar xoogan cadawgu ku hayo.

Gudoomiye Faysal oo ka hadlaya xarunta dhaqanka iyo dugsiga abaarso ayaa waxa uu yidhi “Inanka isaguna wax qabtay waxa weeyaan inanka sameeyey xarunta dhaqanka ee Jaamc Gaab, imikana laba meelood ayaa aad u wanaagsan oo aynu dunidana kala macaamilnaa kuwaas oo kala ah xarunta dhaqanka iyo Abaarso School waana labada meelood ee imika dagaalka lagaga hayo dibada ee la doonayo in laynagaga curyaamiyo.”

Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Wixii lagu curyaaminayo ee lagu dilayana maskaxdeenu way madhantee cadawgeena ayaa inoo soo dhiibaya oo xataa kuweena ayaa ku hadaaqaya, waxana cadaw ayaa kuu soo dhiibee meeshaada ilaasho garan maayaan.”