Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Sidee Ayuu U Arkaa Heshiiska Muqdisho Ku Dhexmaray Midawga Yurub Iyo Dawlada Soomaaliya

0

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay heshiis magaalada Muqdisho ku dhexmaray dawlada soomaaliya iyo Midawga Yurub.

 

Heshiiskan oo ku saabsanaa maalgelin uu midawgayurub ku samaynayo horumarinta magaalooyinka Muqdisho Iyo Berbera ayuu gudoomiye Faysal ku tilmaamay mid baalmarsan nidaamkii ay somaliland qaadhaanka kaga heli jirtay midawga yurub.

Gudoomiye Faysal ayaa sheegay inuu jiro habkii ay somaliland taageerada dhaqaale kaga heli jirtay wadamada yurub iyo caalamka intiisa kale balse ay dawlada soomaaliya heshiiskan u isticmaalayso dacaayado ka dhan ah somaliland.

Sidoo kale Gudoomiye Faysal ayaa sheegay in midawga yurub ay ka sugayaan cadaynta ujeedada heshiiska ay la galeen dawlada soomaaliya ee khuseeya magaalada Berbera balse aanu isagu ilaa hada hayn xog dhab ah oo ku saabsan heshiiskan sabtidii lagu saxeexay magaalada Mudisho.

Gudoomiyaha xisbiga Ucid oo ka hadlaya heshiiska midawga yurub iyo soomaaliya ku galeen Muqdisho ayaa waxa uu yidhi “Waxay ila tahay inuu wali miiska saaran yahay habkii gaarka u ahaa somaliland laakiin waxaynu u baahanahay inaynu cadaymo dheeraad ah ka helno midawga yurub aniguna intaas wax ka badan ma sheegi karo hada waana inaynu sugnaa inta aynu midawga yurub ka helayno xaqiiqada dhabta ahi sida ay u jirto laakiin wixii ay dawlada soomaaliya warbaahinta ka sheegtay waxay ahaayeen dacaayado aan saamayn taban ku lahayn qadiyada somaliland.”

Dhinaca kale gudoomiyaha xisbiga Ucid oo ka hadlaya arimo ku saabsan doorashooyinka ayaa waxa uu yidhi “Madaxweynuhu waxa uu warqad u soo qoray xisbiyada khamiistii ugu dambaysay, todobaadkan gudihiisana si wadajir ah ayaanu uga celin doonaa waxaanan filayaa in doorashooyinku ay sidooda u socdaan ugu dambayna ay qabsoomi doonaan, guddida doorashadana waxaan ka codsanaynaa inay sameeyaan jadwal cusub oo loo gudbin doono golaha guurtida kuwaas oo kordhin doona mudo xileedka golaha wakiilada iyaga oo ka duulaya jadwalkaas, waxaanan rajaynayaa inaanu arintaas si dhakhso ah uga bixi doono.”ayuu yidhi gudoomiyaha Ucid oo u waramay telefishanka  Codka bariga Afrika