Eng Maxamed Xaashi Oo Eedeeyey Qaramada Midoobay Iyo Midawga Afrika

0

Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee somaliland ayaa ka hadlay mucaawino midawga yurub ugu tala galay magaalada Berbera oo dawlada soomaaliya la soo marinayo.

Siyaasi Maxamed Xaashi oo ka hadlaya heshiis soomaaliya saxeexday oo dhaqaale lagu soo gaadhsiinayo Berbera ayaa waxa uu yidhi “Somaliland iyo soomaliya wax isku xidhay meesha ma yaalaan, qoladan wax bixisa iyo UN inay inaga dhigaan maamul ka mid ah soomaaliya maaha wax aynu ka mutaysanay dawna maaha, sidii wasiirku sheegay ayaana sax oo shaqo kuma lihin wixii soomaaliya la siinayo, wixii soomaliland la siinayana gaar haw ahaadaan laakiin soo mara oo ka mid ahaa gobolada soomaaliya caqli maaha wax la diidana weeyaan oo in laga aqbalana maaha waxaas oo kalana inay inoola yimaadaan maaha.”

Siyaasi Maxamed Xaashi ayaa sidoo kale eedaymo dusha u saaray qaramada midoobay iyo midawga Afrika waxaanu intaas raaciyey “inaga oo ahayn qoladii ugu horaysay ee xoriyad heshay in maanta qaramada midoobay iyo midawga Afrika sidaas inoo caansiiriyaan may ahayn, dawlado isku tagay oo kala baxayna way jireen sida kuwaasna inay inoola macaamilaan ayey ahayd laakiin waxaan u malaynayaa iyagaa rabshad wada oo doonaya inaanu dagaalku istaagin oo wixii kala gaadhay somaliland iyo soomaaliya ayaa ku filnaan waayey waxaanay doonayaan inay sii socoto oo dadku islaayo.”

Siyaasi Maxamed Xaashi ayaa madaxda somaliland ugu baaqay inay ka maarmaan lacagaha mucaawinada ah “Dhinacooda waxaynu ka nahay inaynu soomaaliya ka mid nahay taasina wax dhacaya oo jira maaha, anaga somaliland ayaa nala yidhaahdaa macaawinadoodana inaynu iska dayno oo aynu ka maarano ayaa fiican oo waynu noolaan karnaa haddii aynu waxeena hagaajino markaa inaynu barinaba maaha oo aynu dawarsano, madaxdeenuna dawarada aynu waydiisanayno haynaga daayaan oo waxeena aynu hagaajisano.”