Sidee caafimadkaaga u waxyeeleyn kartaa cuntada aadka loo warshadeeyay

0

Daraasado cusub oo laga kala sameeyay Faransiiska iyo Spain ayaa muujinaya in cuntooyinka aadka loo warshadeeyay ay caafimad darro u horseedi karaan banii’aadanka ama gabow degdeg ah ama geeri.

Daraasadda waxaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta qaata cuntooyinka warshadesyan muddo tobban sanno ah, waxay halis ugu jiraan dhimasho boqolkiiba 62%.

Dhibaatooyinka caafimaadka ee lala xiriiriyay cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay waxaa kamid ah wadno xannuunka ama Shalalka.

Haddaba, iyadoo meelo badan oo dunida ka tirsan laga isticmaalo cuntooyinka warshadaha soo maray, haatan waxaan halkan ku eegeynaa cuntooyinka halista caafimaadka ka dhalan karta.

Waaxda daraasaadka cuntooyinka ee NOVA oo ay sameysay kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Sao Paulo ee Brazil ayaa waxay sharraxaad ka bixineysaa qaababka loo kala qaado cuntooyinka warshadeysan.

Cuntooyinka aan la warshadeyn iyo kuwo dhexdhexaadka ah

Cuntooyinkan ayaa ah kuwo aanan wax warshad ah soo marin ama si aad ah looma warshadeyn, ka hor inta aanan la warshadeyn cunnada waxaa ku jirtaa nafaqooyin kala duwan oo waxtar u leh banii’aadanka, sida Fitamiin iyo macddanta qaar.

Qeybtan waxaa kamid ah Khudaarta, Lowska, Miraha, Digirta, Misiggada, Ukunta, Kalluunka iyo caanaha.

Cuntooyinka aan sida aadka ah usoo marin warshadda waxaa marka lagu sameeya in la qalajiyo, la buriyo balse kuma jiraan maaddooyin kala duwan oo nafaqo leh.

Waxaana kamid ah Saliidda, saliidda xoolaha laga soo saaro, Cusbada iyo Sokorta.

Cuntooyinkan looguma talagelin in qofka uu wax badan ka qaato balse waxaa lagu darsadaa cuntada iyo Shaaha.

 

Cuntooyinka lasoo warshadeeyay ayaa waxay ka koobmaan waxyaabo laisku daray oo ka badan labo waxyaabood.

Waxaana kamid ah hilibka gasadceysan, Rootiga, Khamriga, ama cuntooyinka sajilan.

Sababta cuntooyinka loo soo warshadeeyo waxay tahay in muddo ay cuntadaas raagto si aysan dhadhankeedu u baddalmin

Cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay

Lamana garanayo maddooyinka ku jiro cuntooyinka warshadeysan, waxaa ku jiri karaa maddooyin Kimiko ah oo macaan ah ama qalajinayo cuntada .

Cuntooyinka sida aadka ah loo warshadeeyay dunida, waxaa kamid ah.

  • Rootiga lasoo warshadeeyay
  • Cuntooyinka Sajilan
  • Caanaha qaar

 

 

  • Buskut-ka
  • Hilibka sajilan
  • Barado Shiilan

 

 

 

 

 

 

  • Sharaabka
  • Cuntooyinka shiilan ee cusbada badan
  • Digirta ku jirta weelka sajilan

 

Waxaa adag in la aqoonsado cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay, tusaale ahaan,

Burka haddii lagu daro biyo, cusbo iyo Khamiir wax dhibaato ah kuma jiro balse haddii lagu daro waxyaabo midibo u yeelayo burkaas , waxaa uu kamid noqon karaan cuntooyinka sida aadka loo warshadeeyay ee dhibaatada ku yeelan karo caafimaadka.

Haddii, Digirta lagu waxyaabo kale ama kimiko waxaa ay meesha ka saareysaa nafaqadii ku jirtay cuntadaas.

5 siyaabood ood ku garan karto in cuntada aad loo warshadeeyay

 

  1. Markasta eeg warqadda ku dhegan sheeyga, haddii maadooyinka laga sameeyay cuntadaas ay badanyihiin, kana badanyihiin shan sheey, waa astaan kuu muujin karta in cuntadan aad loo warshadeeyay, sida uu qaboProfessor Maira Bes-Rastrollo, oo ah La-Qore daraasadda Spain ee kor ku xusan.
  2. Maaddooyin aadan aqoonsanin kuwa ay yihiin waxaa laga yaabaa in ay yihiin maaddooyin kiimiko ah lagu dheereynayo cimriga sheeygaasi si uusan u halaabin. Badankood waa kuwa badqaba, balse waxaa jira kuwa halistoodu badantahay. i
  3. Iska eeg xadka ama cabbirka lagu xusey qoraalka ee waxyaabaha uu sheeygaasi ka samaysanyahay, tusaale haddii dufanka iyo sokorta ku badanyihiin. Waxaa taas kuusii muujin kara midaba (guduud) oo muujinaya badnaansho, (guduud xigeen) dhexdhexaad iyo (cagaar) oo muujinaya inyar.
  4. Haddii aad aragto cuntada cosobka ah oo balse waqtiga ku qoran in ay dhacayso uu yahay mid fog, markaas ka shaki, waxaana laga yaabaa in waxyaabo qalaad lagu dardaray.
  5. Iska eeg haddii sheeygaasi aad loo xayaysiiyo, laguna sheego sifooyin ka badbadis kuula muuqda.