Gabdhaha Congress-ka : Dabinka Trump yaan lagu dhicin

0

Afar hablood oo ku jira Aqalka Congress-ka Maraykanka , kuwaas oo Donald Trump uu ku cunsuriyeeyay asalkooda ayaa sheegay in hadalkiisa uusan wax kasoo qaad lahayn.

Alexandria Ocasio-Cortez, Ilhan Cumar, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib ayaa dadka Maraykanka ka codsaday in aysan ku dagmin ‘dabinka Trump’.

Trump ayaa hadalka u dhigay in ay dalkoodii ku laabtaan, inkasta oo afartooduba yihiin muwaadhiniin Maraykan ah.

Trump ayaa difaacay hadaladiisa, wuxuuna beeniyay in ay yihiin kuwa cunsuriyad ah.

“Waa arrin la idiinka jeedinayo qalalaasaha uu maamulkiisa hayo iyo dhaqanka musuqmaasuqa” ayay yiraahdeen dumarkan oo shir jaraa’id qabtay.

Ilhan iyo Tlaib ayaa ku celiyay baaqoodii ahaa in codka kalsoonida loo qaado Trump.

Dumarkan ayaa sheegay in marnaba aanan afkooda la qaban karin, islamarkaasna aanan la takoori karin, waxayna sheegeen in ay Afar ka badanyihiin, ayna ka midyihiin qof kasta oo aaminsan waxa ay rumeysanyihiin.

“Indhaha taariikhda ayaa na eegaya, waxa ka dhacaya xuduudaheena ee ah ku xad gudub xuquuqda aadanaha ma ahan wax wanaagsan ” ayay tiri.Gabdhahan ayaa sheegay in aysan marnaba ka daali doonin in ay la xisaabtamaan Trump.