Shirkada All Jaabiri Xoolaha ay u rarayso Jidah Sharcigee ku Dhoofinysaa, Ma jamhuuriyada Somaliland mase ka dawlada xamar

0

Shirkada carbeed ee ganacsade All Jaabiri Sharcigee Ku Dhoofinaysaa  Xoolaha Laga raro Dekada Berbera,

Ganacsadahan carbeed ee Aljaabiri  Shirkadiisu waa mid  mudo badan ku dhex jirtay  ganacsiga xoolaha,

Waxaanu jaanis wanaagsan helay  Sanandkii 2008 Xiligaasi oo uu ku guulaystay in uu dib usoo furo  Dhoofka Xoolaha oo xidhnaa mudo ku dhow sided sanadadood,

Hadaynu dib uyar noqono sideedii sano e dhoofka xoolaha ka xidhnaayeen dalka sucuudiga     waxaa ka fa,iidaystay dalka jabuuti    iyo ganacsadaha kale ee carbeed e All yaasir oo xoolaha ka rari jiray dalka jabuuti,

Hadaba ganacsadha carbeed e Aljaabiri  Isna Wuxuu Kooto ku xidhay xoolaha  ka Dhoofa Berbera  mudo dhowr sano ah markii u sameeyay macjarkii ugu horeeyay ee xoolaha lagu dhakhtariyo  kaas oo shahaadadiisa caafimaadka xoolaha sharci ka ahayd  wadmada khaliijka,

Gancsadae Alljaabiri xaalada Adag ee iminka ka taagan dhoofka xoolaha ee xukumada farmaajo siyaadayasay  wuxuu isku dayay in uu furdaamiyo oo xeelado qarsoon ku dayo  laakiin wali umay suura galin,

Wararka ugu danbeeyay ee laga hellayo          illo  xog ogala ayaa sheegaya in  shirkada all jaabiri  damacday inay  khiyaamo ku rarto xoolaha ka dhoofa dekada berber waxaana la sheegay in  uu  soo qaatay warqadii aay xukuumada xamar  sucuudiga dhegta u saaratay  sidoo kalena  uu qaato warqada caafimaadka xooaha ee laga bixiyo xafiiska wasaarada xanaanada xoolaha e Somaliland berbera  kadibna uu sidaa ku rarto xoolihiisa,

Arrinkan ayana u muuqda mid khiyaamo qaran ah hadii sidaa la sheegay rumowdo waxaanay noqonayasaa markii ugu horaysay mudo 28 sano ku siman in xoolaha Somaliland ku dhoofaan warqad xamar lagasoo jaro

Xogta la hellayo ayaa dhanka kale sheegaysa in ninka la yidhaa Cabdil qaadir oo ku magacdheer BULAALE  oo Hore shuraako ula ahaa     Alljabiri iyo Labada ganacsato e Aadan baradho iyo Cali Waraabe uu xiligan yahay madaxa  bixinaya warqada  dawlada xamar  ku xidhay  dhoofka xoolaha  soomaalida sidaa laajigeed  la doonayo in  khal khal lagu galiyo  siyaasada xoolaha e jamhuuriyada Somaliland meesha adag ka istaagtay,

Xiligan waxaa Buuxa Macjarka Aljaabiri oo waxaa u diyaarsan illaa 60 oo nee foo adhi ah kaas  oo shirkada aljaabiri doonayso in aay ku rarto markabka layidhaa  LAYLA J kaas oo tagan haabada dekada berbera inakstoo  galinkii danbe e manta inta lasoo xidhay hadana dib looga furay dekada,

Dabcan Hadaba  intii La Doortay Xukuumada xamar e farmaajo Haysto ayaa waxaa Isasoo tarayay  khilaafka  ka dhexeeya labada dal heerka uuu manta gaadhayna waligii ma gaadhin oo xukuumadihii hore e dalka  soomaaliya soo maray sida Xasn sheikh maxamuud iyo Shariif Axmed  marna cadaawad may muujin labada dal ka dhaxays oo xataa wadahadalo ayaa u socday  labada dal aay  kaga wada hadlayeen mustaqblaka danbe  wixii xal noqonayo