Ex Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Hadlay Xayiraada Xoolaha, Fariin Muhiim Ahna U Soo Diray Shacabka Somaliland

0

Madaxweynihii hore ee dawlada soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xayiraada la saaray xoolihii ka dhoofay dekeda magaalada Berbera ee lagu xayiray Jidah.

Ex Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa facebook waxa uu shacabka somaliland ugu baaqay inay iska xakameeyaan dagaalada siyaasadeed iyo dhaqaale ee ku socda.

Sidoo kale ex madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu meesha ka saaray in siyaasad la galiyo arimaha horumarka iyo ganacsiga, waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan

Waxaan ka xummahay ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Somaliland ee culeysku ka soo wajahay markabka ay saaran yihiin 20ka kun ee neef ee ariga ee dekedda Jeddah loo diiday inuu ku dejiyo xoolaha.

Waa wax ay ka maran tahay mas’uuliyad ummadeed in la siyaasadeeyo arrimaha horumarinta, ganacsiga iyo gargaarka oo dhammaan si toos ah u taabanayo nolosha muwaaddinka caadiga. Gaar ahaan arrinka markabkaan, waxay si toos ah u taabanayaa nolosha dadka reer guuraaga ah ee duruufaha ka yimid isbaddelka cimilada awalba la tacaalayay.

Dowladda Somalia waxaan ku boorinayaa in nolosha dadka Soomaaliyeed wax walba laga hormariyo. Dadka qaarkiina ay qabkooda dib u liqaan.

Dowladda iyo dadka reer Somaliland waxaan leeyahay “SI JIRTABA SIIMA JIRTO” ee idinkuna isxakameeya.

Waxaan ka xummahay ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Somaliland ee culeysku ka soo wajahay markabka ay saaran yihiin 20ka kun ee neef ee ariga ee dekedda Jeddah loo diiday inuu ku dejiyo xoolaha.