Doon Kaluumaysi oo Nooceedu yahay Volva saarana yihiin shan badmaax oo khatar ugu jrta inay degto

0

oon Kaluumaysi Oo Habeen Hore Ubaxday Xeebta Bari Ee Berbera Oo Shan Badmaax Saaran Yihiin Ayaa Makiinadu Ka Xumaatay Oo Sabaynaysa   Labadii Maalmood Ee Udanbeeyay Markii Ugu War Danbaysay Waxay Ahayd Saaka Shantii Subaxnimo Iyaga Oo Xaga Badweynta Ay Dabayshu Usii Waday Siduu Iisheegay Saleebaan Foos Oo Ah Mulkiilaha Doonta Oo Nooceedu Yahay Volva Xiligaasoo Ay Lasoo Hadleen Raga Doonta Saarani Una Sheegeen Inay Halis Kujiraan Gurmadna Ay Ubaahan Yihiin.

Intaas Wixii Kadnbeeyay Ilaa Hada War Sugan Lagama Hayo Doontaas Gurmad Doon Kale Oo Saaka Loo Dirayna Dhexda Ayay Ku Xumaatay Dib Ayaana Loo Soo Jiiday.
Mulkiilaha Doonta Saleebaan Foos Waxa Uu Sheegay In Ilaa Hada Waxgurmad Ah Aanu Ka Helin Wasaarada Xanaanada Xoolaha Iyo Horumarinta Kaluumaysiga Iyo Sidoo Kalena Aanu Garanayn Meel Uu Kala Xidhiidho Maamulka Gobolka Saaxil Iyo Ka Degmada Berbera.
Waxa Kaloo Uu Sheegay Saleebaan Foos Inay Caawa Tageen Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha Bada Ee Berbera Isaga Iyo Rag Kaloo Kaluumaysato Ahi Maamul Ciidankuna Ka Codsadeen Lala Gurmado Oo Lala Soo Samata Bixiyo Raga Doontaas Saaran Oo Dabaysha Badu Xaga Badweynta Usii Wado Xaalad Halisana Ku Sugan Sida Uu Sheegay Mulkiilaha Doontu Masuuliyiinta Ciidanka Ayaa Usheegay Inaanay Xiligan Habeenimada Ah Waxba Uqaban Karine Uu Beri Subax Uyimaado.
Isuduwaha Wasaarada Xananada Xoolaha Iyo Horumarinta Kaluumaysiga Axmed Xaaji Cabdillahi Oo Aan Isku Dayay Inaan Wax Ka Weydiiyo Dhacdadan Ayaanan Helin Telefoonkiisa Oo Xidhnaa Xiliga Warku Nasoo Gaadhay.

Muwaadinka Doontan Lihi Gurmad Ayuu Dalbanayaa Lagu Soo Badbaadiyo Doonta Iyo Raga Saaran Ee Halista Kujira.
Sanadkii Hore 2018 Bishii Februay Ayay Sidan Oo Kale Doon Yar Oo Kaluumaysi Bada Ugula Xumatay Laba Dhalinyaro Ah oo reer Berbera ah Mudo Afar Maalmooda Ay Bada Gurmad La.aan Dul Sabaynayeen Mid Ayaa Dabaal Kaga Soo Baxay Xeebaha Bariga Berbera Isaga Oo Nafla Caariya Halka Kii Kalena Bada Ku Gerriyooday Allah Ha Unaxariiste.