Dadkii caanka ahaa ee lagu laayay qarixii Kismaayo

0

Qarixii iyo weerarkii lagu qaaday Hotel Madiina (Ex Cascaseey) ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku dhintay wax ka badan 20 qof, 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Marka laga yimaado Hodan Naaleeye oo ahayd saxafiyad caan ah oo warbaahinta gudaha iyo dibeddaba ay si weyn geerideeda u hadal haysay, waxaa jira dad kale oo bulshada magac ku dhex lahaa.

Waxa ahaa xildhibaan federaal ah intii u dhaxaysay 2012-kii illaa 2016-kii, xilligaas oo doorashadii looga guuleystay.

Maxamed ayaa sidoo kale soo noqday wasiir ku xigeenka hawlaha guud ee dowladda federaalka Soomaaliya mudadaas uu xildhibaanka ahaa mar ka mid ah.

Maxamed Shuuriye ayaa labo maalin ka hor jimcihii tagay magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu soo dhoweeyay maadaamaa uu ku dhowaaqay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.

Dad ehelkiisa ah waxa ay sheegeen in weerarka kadib uu taleefoon kasoo dhex dirayay hoteelka, balse markii dambe uu taleefoonkii baqtiismay.

Waxaa la xaqiijiyay subixii dambe in uu ku geeriyooday weerarkii hoteelka, halkaas oo ciidamada amniga ay ku qaadatay dhawr iyo tobon saacadood ah in ay soo afjaraan kuwii weerarka geystay

Waxa uu ahaa siyaasi iyo ganacsade deegaanka caan ka ah, waxayna dad yaqaana BBC-da u sheegeen in markii ugu dambeysay ee uu Jubbaland tagayay uu ka yimid dalka Congo, halkaas oo uu ku lahaa dano ganacsi.

Fariid ayaa ku biirey golaha wasiiradda Jubbaland, isaga oo noqday wasiirka ganacsiga maamulkaas.

Balse isku shaandheyn dambe oo uu sameeyay madaxweyne Axmed Islaam ayuu kaga haray golaha wasiiradda.

.