Shirkadaha wakiilada u ah Marakiibta Koonteenarada qaada oo Kor dhinaya Lacagtii D,O,ga ee ee aay ka qaadi jireen calaa koonteenar,
Shirkadahan Koonteenarada Wakiilka u ah ayaa Dhowrkii sanoba mar Kor u qaada  Lacagta aay ka qaataan koonteeenarada, Sida la Ogyahay sanadkii 2016 Waxay ku kala kordhiyeen koonteerada ka 20ft $40 halka Ka 40 Ft ah ay ku kordhiyeen $60
Koonteenarka 20ft ah waxaa la qaadi jiray #45 Doolar waxayna ka Dhigeen #85 Doolar
Koonteenarka 40 Ft ah waxay qaadi jireen 95 waxanay ka Dhigeen #155 Doolar
Iminkana waxaay ka Dhigayaan Koonteenarka 20 Ft ah $150 Doolar  halka Koonteenarka 40 Ft ah aay ka Dhigayaan $215 Doolar
Arinkana Ayaa waxaa Horkacaya shirkada MSC oo ah Ta Ugu shaqada badan Shirkadaha ka Shaqeeya Maraakiibta Koonteenarada qaada e dekada berbera
Hadaba Lacag kasta oo aay Kordhiyaan waxay Fuuli Doontaa Bulshsda Somaliland Lamana garanayo sababta kaliftay in aay Xiligan Ku fakiraan in aay Cidhiidhi sii galiyaan Umada Somaliland ee Haduun kazoo Doogaysa Sicir bararkii iyo Abaarihii waayo lacagtaasi marka lasaaro ganacsatada wax kala soo degta dekada berbera iyaguna shacabka ayuun bay fuulayaan intay waliba laban laabaan lacagtaa shirkaduhu ka qaadeen
Lacag Kordhintan aya Bilaabmi Doonta 7 July e 2019 sida ku cad warqada sirta ah e shirkada MSC Laga Helay Taas oo  warbaahintu heshay ,
Dhanka kale Wasaarada Horumarinta ganacsiga iyo warshadaha Jamhuuriyada Somaliland  ayaad Moodaa Inaay ka gaabinayso xakamaynta Shirkadaha n aan cidna waxba iskaga tirinayn ee markay doonaanba lacagta korodhsanaya waxaana suura gala in arinkan buuq badani ka dhasho oo ganacsatadu ganafka ku dhufato inta muranku jirana shaqo joojin aay dhacdo hadaan si deg deg ah xukuumadu uga hortagin