Ilhaan Cumar oo ka qeybgashay dabaaldegga dadka isku jinsiga ah ee isku taga

0

Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twitter-ka ku daabacday iyadoo la damaashaadeysa dadka isku jinsiga ah ee isku taga oo sannadkasta bishan oo kale sameysta dabaaldegyo.

Dalalka sharci ahaan ogol LGTB waxaa ka dhacaya munaasabo “guur” oo dhexmaraya dadkaas oo sannadkiiba mar la qabto.

“Waqti cajiib ah oo ciyaaro iyo dabaaldeg ah ayaan la qaaday #TCPride damaadkii isbuuca”, ayey ku qortay barteeda Twitter-ka.

Waxay soo dhigtay muuqaalkeeda ayadoo qoob ka ciyaar ka sameyneysa goob ay ka muuqdeen dad lagu qiyaasi karo illaa boqollaal qof.

Ilhan Omar

@IlhanMN

! I had a fantastic time dancing, hugging, and celebrating with everyone this weekend! ❤️????

8,449 people are talking about this

Ilhaan oo fariin soo dhigtay boggeeda Twitter-ka ayaa sheegtay in sharcigan ay oga gol leedahay in ay oga hor tagto wax ay ku tilmaamtay “Naceybka iyo dulqaad la’aanta kala aragti duwanaanta”, sida ay hadalka u dhigtay.

Ilhan Omar

@IlhanMN

I introduced this legislation because we have a duty to confront hate and bigotry whenever we see it. https://twitter.com/ajplus/status/1129135680381046784 

AJ+

@ajplus

Rep. Ilhan Omar introduced legislation to block anyone who implements Brunei’s anti-LGBTQ laws from travel or business in the U.S.

Brunei’s new laws punish gay people with stoning to death. It said it froze the death penalty (after backlash) but did not

Ilhan Omar

@IlhanMN

The just passed the House! LGBTQIA+ people must be protected under our nation’s civil rights laws. This is a historic day for equality, I am proud to have co-

Sharciga ay Ilhaan Congress-ka hor geysay ayaa quseeya in xayiraad la saaro islamarkaasna laga hor istaago in uu ganacsi la yeesho Maraykanka qof kasta ama shirkad kasta oo gacan ka geysata hirgelinta sharciga cusub ee Brunei ee ka dhanka ah dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda.