Haweenay kaligeed kasoo dhex toostay diyaarad meel tiilay

0

Haweenay ayaa sheegtay in looga dhex tagay diyaarad ay leedahay shirkadda Air Canada kadib markii ay ku dhex hurdootay duulimaad ay kasoo raacday magaalada Quebec, kuna jeeday Toronto 9-kii June.

Tiffani Adams ayaa sheegtay in ay kasoo dhex toostay diyaaradda oo la damiyay, meel lagu xareeyay, habeen saqdhexe ah, albaabadana loo xiray.

Waxa ay ahayd xilli aad u qaboow, iyaduna uu suunka kula xirxirnaa kursigeeda, taas oo galisay argagax iyo cabsi weyn.

iffany ayaa ku guuleysatay in ay saaxiibteed Deanna Dale ay taleefoon u dirto, kuna wargaliso halka ay ku xayirantahay ka hor inta uusan taleefoonka ku damin muddo hal daqiiqo gudahood ah. Saaxiibteed ayaa kadib taleefoon u dirtay maamulka garoonka Pearson Airport.

Sidoo kale Mrs Tiffany ayaa diyaaradda ka dhex heshey toosh, kaas oo ay kusoo duwatay dareenka dadka ka shaqeeya garoonka, kadibna waxaa arkay qof ka shaqeeya qeybta dajinta iyo rarka alaabaha.

Mas’uuliyiinta shirkadda Air Canada ayaa isku dayay in ay hoteel seexiyaan gabadhan, balse waa ay diiday oo waxa ay codsatay in gurigeeda loo geeyo si dhaqso ah.

Shirkadda ayaa qiratay arrinta dhacday, sheegtay in ay baaritaan ku hayso sidii ay wax u dhaceen.