Xildhibaankii Dhirbaaxay gabadha Xildhibaanada ah ee kenya oo xabsiga la dhigay

0

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa xabsiga ku baryay xalay ka dib markii lagu eedeeyay in uu dhirbaaxay gabadh Soomaali ah oo ay baarlamaanka ka wada tirsan yihiin, isaga oo ku eedeeyay in aysan lacag u qoondayn deegaanka laga soo doorto.

Rashiid Qaasim ayaa lagu eedeeyay in uu Nairobi ku dhirbaaxay Faadumo Geeddi oo ka tirsan guddiga miisaaniyadda ee baarlamaanka.

Sawirka Faadumo oo ilmaynaysa afkeeduna dhiig ka muuqdo oo la sheegay in laga qaaday markii loo gacan qaaday ka dib ayay dadku aad isugula wadaageen baraha ay bulshadu ku xiriirto.Dhammaan xubnihii baarlamaanka ee dumarka ahaa ayaa golahii isaga dareeray iyaga oo taageero u muujinaya gabadha ay wada shaqeeyaan.Dhammaan xubnihii baarlamaanka ee dumarka ahaa ayaa golahii isaga dareeray iyaga oo taageero u muujinaya gabadha ay wada shaqeeyaan.

Rashiid Qaasim oo ah xildhibaan laga soo doorto Bariga Wajeer ayaa lagu eedeeyay in uu Faadumo ugu gacan qaaday qaybta baabuurta la dhigto ee dhismaha baarlamaanka ka dib markii uu ku qabsaday sababta ay lacag ugu qoondayn wayday deegaanka laga soo doorto.

Xildhibaanno rag ah ayaa markaas ku maadsaday dumarkii ay wada shaqaynayeen iyaga oo dhacdadaas soo qaadanaya, sida ay BBC-da u sheegtay Sabina Wanjiru oo ah gabadh ka tirsan xildhibaannada Kenya.

“Qaar ka mid ah ragga xildhibaannada ah ayaa nagu jeesjeesay oo yiri maanta waa maalinta dhirbaaxada” ayay tiri.

Sabina ayaa intaas ku dartay in ay ku dhaheen “waxaa loo baahan yahay in dumarku ay edeb yeeshaan, isla markaasna loo baahan yahay in ay bartaan sida ragga loola dhaqmo”.

Dumarka xildhibaannada ah ayaa dhismaha baarlamaanka isaga wada baxay iyaga oo dalbanaya in la xiro Rashiid

“Dhammaan xubno baarlamaan ayaan nahay… waxbana kamaga liidanno ragga,” ayay tiri Sabina.

Rashiid wali kama uusan hadlin dhacdadan.