Guddiga Qandaraasyada Oo Caqabad Ku Noqotay Qorshe Lagu Xakamaynayo Qishka Imtixaanka Shahaadiga ah Iyo Shirkadii Ay Sheegeen In Ay Qalabka Keenayso Oo La Waayay!

0

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa sannadkan u qorshaysay inay gacan bir ah ku qabato khiyaamooyinka iyo Qishka ku yimaadda Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare oo inta badan la tuhunsan yahay inay telefoonnada gacantu u fududeeyeen, waxaanay wasaaraddu go’aamisay in la hirgeliyo qalab loo lagu rakibayo goobaha imtixaanka, kaas oo khadka ka saaraya Anteennada Telefoonnada Gacanta.

Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Iyadu uxil saaran baahinta qandaraasyada qaranka iyo kala saarista shirkadaha ku tartamay qandaraaska lagu bixinayay qalabka lagu ilaalinayo qishka imtixaanka shahaadiga ah oo ay weheliyaan Wasaaradda waxbarshada oo iyadu hawshan u xil-saartay inay bulshada u soo bandhigto kuna tartamayaan Mashruuca keenista Qalabka, ayaa daba-yaaqada bishii Ramadaan ee aynu soo dhaafnay shaacisay Shirkad ku guulaysatay fulinta mashruucan oo ay ku kacayso adduun Lacageed oo gaadhaya $130,000 (Boqol iyo Soddon Kun oo Dollar), taas oo laga soo dhex-xushay dhowr shirkadood oo u tartamay Qandaraaska.

Kulan Guddigu isugu yeedheen Shirkadda ku guulaystay, shirkadaha laga guulaystay isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Waxbarashada, ayaa lagu shaaciyey inay mashruucan u tartameen dhowr shirkadood oo magacyadoodu kala yihiin: TALL-SOM PRINT CO oo soo gudbisay inay qandaraaska ku fulinayso lacag dhan SLSH935,000,000 (Sagaal Boqol, Soddon iyo Shan Milyan Shilinka Somaliland ah), shirkadda PURE TECH oo soo gudbisay $30,000 (Soddon Kun Dollar), SAN MEDICAL SUPPLY oo soo gudbisay inay mashruuca ku fulinayso lacag dhan SLSH935,000,000 (Sagaal Boqol, Soddon iyo Shan Milyan Shilinka Somaliland ah) iyo HORYAAL BUSSINESS oo aan iyadu soo gudbinin Wax Qiimo ah oo mashruuca ku fulinayaan sida ka muuqatay Shaxda Furaha Qandaraaska oo madasha lagu soo bandhigya.

Hadaba gudida hore u shaaciyay shirkadii ku guulaystay qandaraaska keenista qalabkan ayay gabi ahaanba noqotay waxba kama jiraan .

Gudida qandaraasyada qaranka ayaa dhawaan sheegay in shirkadii ku guulaystay qandaraasku ay ka noqotay iyadoo qoraal ay gudida soo gaadhsiisay sidaa ku sheegay

Sidoo kale gudida qandraasyada qaranka ayaa sheegay in qandaraaska ay siinayaan shirkadii kusoo xigtay tan ka noqotay

Mase jirto meel ay si toos ah ugu shaaciyeen.

Gudida qandaraasyada qaranka oo lagu eedeeyo in qandaraasyada ay ku bixiso hab sharciga baalmarsan iyo kala jeclaysi shirkadaha tartamay ah ayaa wakhtigan oo mudadii imtixaanka ay ka hadhay mudo 72saacadood ah ayaanay jirin wax ka hirgalay hindisii wasaarada waxbarashada taasi oo ay caqabad ay ku noqotay gudidii qaranku u igmaday hawlahan.

Arinta ayaa noqonaysa mid fadeexad ku ah xukuumada madaxwayne biixi iyo shaqadii ay umada u hayeenba.

Sikastaba ha ahaatee fadeexadaha maamul ee dul hoganaya gudida qandaraasyada qaranka ayaan ahayn mid bilow ah waxaana ay bulshada reer Somaliland isha ku hayaan talaabada uu madaxwayne biixi ka qaado iyagoo caqabad ku noqday dadaalkii wasaarada waxbarashada Somaliland,

 

xigasho wajaale news