Gacanka Biyaha Cumaan oo lagu weeraray labo markab oo kuwa shidaalka naftada qaada ah iyo welwel culus oo ka taagan in iiran loo mar marsoonayo

0

Waxaa aad sare ugu kacay qiimaha naaftada adduunka ka dib markii labo markab oo ah kuwa ay ku rakibanyihiin haamaha shidaalka lagu dhaamiyo lagu waxyeeleeyay weerar ka dhacay gacanka Cumaan.

Waxaa la sheegay in labada markab ay soo dalbadeen caawimaad iyaga oo sheegay in weerar lagu soo qaaday, shaqaalihii saarnaa ayaana la daad gureeyay.

Wali ma cadda cidda gaysatay weerarradan iyo qaabka loo fuliyay toona.

Balse arrintan ayaa ka dhacday marin muhiim u ah maraakiib wada shidaal aad u badan oo dunida laga isticmaalo.

Waxayna ku soo aadaysaa iyadoo xiisad aad u sarraysa ay ka taagan tahay gobolkaas.

Dawladda Maraykanka ayaa dhawaan sii adkaysay cunaqabataynnadii ay saartay Iiraan, waxayna xoojisay ciidammadii ka joogay gacanka.

Arrintaas ayaana dhacday ka dib markii la sheegay in afar markab lagu qaaday weerarro minjo xaabin ah, arrintaas oo dawladda Maraykanku ay ku eedaysay Iiraan.

Waxayna u badan tahay in weerarradan u dambeeyayna uu uga shakiyi doono isla Iiraan.