Gabadh Soomaali ah oo ka tirsan baarlamaanka Kenya “oo loo gacan qaaday”

0

Gabadh Soomaali ah oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa loogu qacan qaaday dhismaha baarlamaanka, sida ay ku warrantay warbaahinta Kenya.

Xildhibaan Rashiid Qaaasim oo laga soo doorto bariga Wajeer ayaa la sheegay in uu dharbaaxay Faadumo Geedi oo ka tirsan baarlamaanka.

Baarlamaanka Kenya ayaa maanta ka doodaya miisaanniyad sanadeedka dalka iyo qoondooyinka ay gobolladu kala heli doonaan.

Rashiid Qaasim ayaa ku eedeeyay xildhibaanadda inay ku guuldareysatay inay lacagaha qoonddada ah ugu hagar bixi wayday deeegaanka laga soo doorto isaga.

Faadumo Geedi waxay ka tirsan tahay guddiga qoondeyda misaaniyadda baarlamaanka Kenya, waxay kamid aheyd xubno dhawaan booqasho ku tegay bariga Wajeer oo ah goobta laga soo doorta ninkaas, sida uu ku warramay wargeyska Daily Nation.

Waxaa baraha bulshada lagu arkayay sawirro aysan BBC-du si madax bannaan u xaqiijin karin oo lagu sheegay in xildhibaanadda ooyaysa dhacdadan ka dib.