Safaarada Somaliland Ee Dalka Sweden Oo Ka Hadashay Wararka Sheegaya In Madaxwaynaha Jsl Socdaal Ku Tago

0

War saxafadeed kasoo baxay safaarada Somaliland ku leedahay dalka Sweden ayaa Lagaga Hadlay Wararka sheegaya in madaxwaynaha somaliland dhawaan safar ku tagayo Dalka Sweden iyo xaqiiqada warkaasi,

Warsaxaafadeed kasoo baxay safaarada Somaliland ee dalka Sweden oo uu ku Saxeexan yahay wakiilka Somaliland ee dalka Sweden Amb Sakariye Xasan Wacays  ayaa lagu sheegay in aanuu jirin wax safar ah oo madaxweynaha dalka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu ku imanayo dalka Sweden,

War saxaafadeedkan Ayaa Udhigaa sidan;

Waxaan ku wargelinaynaa dhamaan shacabka Somaliland gaar ahaan bulshada Sweden in aanay jirin wax safar ah oo madaxweynuhu ku imanayo dalka Sweden. Sidoo kalena aanu wararkan ku aragnay uun baraha bulshada,

Aniga ka wakiil Ahaan (Zakariye Xasan Wacays) aanuu jirin wax xidhiidh ah oo aan arintan kala yeeshay madaxtooyada Somaliland , ka wakiil ahaana waxaan la xidhiidhay wasaarada arimaha dibada & Wasiirka waxayna ii sheegeen in aanuu jirin wax safar ah oo qorsheysan ama kedis ah oo madaxweynaha Somaliland uu ku imanayo dalka Sweden, Isla markaana wararka dhex wareegaya baraha bulshada aanay waxba ka jirin oo aanay run ahayn,

Ugu danbeyntii Safaarada Somaliland ee Sweden & Wakiilku waxay bulshada reer Somaliland gaar ahaan kuwa ku dhaqan dalka Sweden ay ugu mahadqanaysaa sida ay u xiiseynayaan imaanshiyaha madaxweynaha ee dalkan Sweden ee ay aadka ugu faraxsan yihiin in madaxweynahoodu uu ugu yimaado dalkan Sweden,

Alle Ayaa Mahad Leh

Xafiiska Somaliland Ee Sweden