Gabadhii astaanta u noqotay dibadbaxyada Suudaan oo “tusaale xun usoo qaadatay Soomaaliya

0

Gabadhii astaanta u noqotay dibadbaxyada Suudaan oo “tusaale xun usoo qaadatay Soomaaliya

 

Bar Twitter oo la sheegay in ay leedahay Alaa Saalax oo ah gabadh reer Suudaan ah oo ka mid aheyd dadkii horkacayay dibadbaxyada galaaftay madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa barteeda Twitter-ka kusoo qortay erey ay dad badan dhibsadeen.

Waxay sheegtay in xaaladda Suudaan aysan la mid aheyn midda ka taagan dalka Soomaaliya.

“Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu soo gaaray Khartuum, booqasho lagu tilmaamay dhexdhexaadinta dibadbaxyaasha Suudaan iyo hoggaamiyeyaasha militariga. Suudaan ma ahan sida Soomaaliya,” ayay tiri Alaa Saalax.

Lama xaqiijin karo bartan in ay Alaa Saalax leedahay balse dad badan ayaa si kala duwan uga falceliyay farriinta lagu qoray.

Qaar kamid ah dadka Soomaalida ee adeegsada baraha bulshada ayaa ka carooday qoraalka Alaa Saalax oo ay ku sheegeen mid aanan habooneyn isla markaasna shacabka deggan labada dal ay yihiin dad walaalo ah.Waxay ay sheegeen in Soomaalida ay qaddariyaan shacabka reer Suudaan oo aysan ku jeesjeesin.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka isticmaala Twitter-ka ayaa ugu baaqay gabadhan in sharaftii geesinimada aheyd ay ku hantay kacdoonka, aysan si khaldan u adeegsan oo aysan ku weerarin dad gaar ah oo horey u taageeray.

.

Markii uu dalkaasi ka socday kacdoonkii looga soo horjeeday dowladda Al-Bashiir, waxaa baraha bulshada qabsaday Alaa oo qaadaysa hees lagu tageerayo kacdoonka iyada oo gaari dusha ka saaran oo dibad baxayaal badanna ay hareero taagnaayeen.

Sawirka wakhtigaas laga qaaday ayaana astaan u noqday kacdoonka maalmihii u dambeeyay maamulkii Cumar Xasan Al-Bashiir.Alaa Saalax, gabadhii hormuudka ka noqotay kacdoonkii lagu afgembiyay madaxweynihii Suudaan Cumar Xassan Al Bashiir. Maxay isu aragtaa iyada?.