UK Oo Dalbatay In Si Deg Deg Ah Loo Soo Magacaabo Wakiilkii Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya

0

Qaramada Midoobay ayaa shanbilood wakhti ku dhaw aan wax wakiil ah usoo magacaabin dalka Somaliya kadib markii Somaliya eriday Wakiilkii qaramada midoobay ufadhiyi jiray Somaliya Danjire Nicholas Haysom

Shir ay dhawaan Golaha Ammaanka ee QM ka yeesheen Arrimaha dalka Soomaaliya ayay wakiilka Joogtada ah ee Dawlada UK ujooga Qaramada Midoobay Danjire Karen Pierce ayaa dalbatay in si deg deg ah loo soo Magacaabo Wakiilka QM ee Soomaaliya.

Tallaabadaan ayay ku sheegtay in looga gol leeyahay in dib loo soo celiyo wadashaqeyntii dowladda Federaalka iyo QM,isla markaana Soomaaliya ay xilligaan ku jirto waqti adag oo u baahan in laga gudbo.

Danjiraha Dowladda Britain u joogta Golaha Ammaanka ee QM, Karen Pierce ayaa Madaxda Dowladda Federaalka waxaa ay ugu baaqday inay xooga saaraan dhinacyada, Amniga, xasilooni Siyaasadeed iyo mid dhaqaale kana faa’iideysato fursadaha jira.

Waxaa ay ku ammaantay Madaxda dowladda Soomaaliya inay horumar ka gaareen Arrimaha,Dhaqaalaha, dib u habeynta Hay’adaha amniga iyo Siyaasada,wallow xilligaan dalka uu marayo meel xasaasi ah lagana soo gudbay xaalado siyaasadeed oo qaarkood aan wanaagsaneyn.

baahan in laga gudbo.