Nuxurka Kulan Dhexmaray Wefti Ka Socda Somaliland Iyo Raysal Wasaarihii Hore Ee Dalka Kenya Railla Odinga

0

Weftigii ka socday xukuumada iyo xisbiyada Ucid Iyo Kulmiye ayaa maanta kulan la qaatay raysal wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga.

Kulanka oo ka dhacay xafiiska raysal wasaarihii hore ee dalka Kenya Railla Odinga ayaa lagaga hadlay arimo ku saabsan xidhiidhka somaliland iyo Kenya .

Wakiilka somaliland ee dalka Kenya Amb Baashe Cawil Cumar ayaa war uu ka soo saaray kulanka labada dhinac waxa uu ku sheegay in laga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa xidhiidhka dhinaca ganacsiga iyo amaanka ee ka dhaxeeya somaliland iyo Kenya.

Image may contain: 3 people, people standing

Sidoo kale waxa uu sheegay in raysal wasaarihii hore ee Kenya uu hoosta ka xariiqay muhiimada ay somaliland u leedahay geeska Afrika iyo doorka ay kaga jirto nabada iyo deganaanshaha gobolka, isaga oo xusay in xidhiidh taariikhi ahi ka dhaxeeya labada dale e Somaliland Iyo Kenya.