Diyaarad taayirro la’aan degtay kadib markii taayiradu u bixi waayeen,

0

Duuliye u dhashay dalka Myanmar ayaa si nabdoon ku dejiyay diyaarad aan lahayn cagaha hore kaddib markii qalabka diyaaradda lagu dejiyo ay cilad ku timid.

Diyaaradda qaranka ee Myanmar aya ku taraaraxday wadada diyaaraduhu ku deggaan ee gegida diyaaradaha ee Mandalay ka hor inta aysan joogsanin

Duuliyaha diyaarada noocedu yahay Embraer 190, ayaa lagu amaanay in si wanaagsan diyaaradu u dejiyay iyadoo dhammaan 89-ka rakaab ee sarnaa ay waxba soo gaarin.

Captain Myat Moe Aung ayaa laba jeeer ku wareegay garoonka si kooxaha ku shaqada leh, degidda diyaaradaha ay u ogaadaan, wax ka khaldan. Ayay sheegtay shirkadda diyaaraduhu.

Diyaaradan ayaa kasoo kictantay magaalada Yangon waxayna kusoo wajahnayd Mandalay markaas oo duuliyaha uu suura gali wayday in cagaha hore ee diyaarada uu lasoo baxo, waxaa uu isla markii raacay nidaamka degdega ah oo waxaa uu hawada ku daadiyey shidaalkii dheeraadka ahaa ee u sarnaa, si u culeyska diyaarada uga yareeyo, shirkadda diyaarada ayaa sidaasi sheegtay.

Fidiyoow laga dhuubay diyaarada oo degayso ayaa muujinaya diyaarada oo cagaha dambe ku ordayso ka hor inta sanka ama afka hore dhulka taaban, waxayna wadada ku taraaraxday muddo 25 il-biriqsi ka hor inta aysan joogsan,

”Duuliyaha waxaa uu qabtay shaqo wanaagsan,” Win Khant, Wasiirka gaadiidka Myanmar, ayaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.

Dhacdadan ayaa ahayd tii labaad ee shil diyaaraded ka dhacda dalka Myanmar isbuucan.

Arbacadii , ayay ahayd markii diyaarad laga leeyahay dalka Bangladesh ay ku simbiririxootay gegida diyaaradaha ee Yangon oo ay ku dhawacmeen 17 qof oo sarnaa.