Innaalilaahi wanaa ilayhi raajacuun, Xaaji cabdi waraabe oo Geeriyooday, Wuxuu Caaqil Noqday 1940 kii

0

Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Xaajiga ayaa caan ka ah dhulka Soomaalida, isaga oo lagu yaqaannay ka shaqaynta nabadda iyo dib u heshiisiinta.

Wuxuu hadda ka tirsanaa Golaha Guurtida ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, wuxuuna ahaa qofkii ugu da’waynaa.

Wuxuu horay ula soo shaqeeyay dhammaan dawladihii isaga dambeeyay Soomaaliya ka hor burburkii.

Burburkii wixii ka dambeeyayna wuxuu la sheegayay maamulladii isaga kala dambeeyay Somaliland.

Cabdi Waraabe ayaa lagu xasuustaa in uusan waligii dawlad mucaaradin.