Boqollaal carruur la askareeyay ah oo la soo furtay

0

Ku dhawaad 900 oo carruur ah oo kooxda Boko Haram ay askaraysay ayaa la soo furtay, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa Qaramada Midoobay.

Waxay sheegtay in carruurtan oo garaysa 894 ay ku jireen 106 gabdhood, waxaana soo daayay shacabka is abaabulay ee magacooda loo soo gaabiyo CJTF.

CJTF ayaa milatariga ka caawiya dagaalka ay kula jiraan kooxda Boko Haram.