Maxaa ka Jira in Badhasaabkii Gobolka Awdal Hargaysa Fadhiyo, Sabab aan la garnayan

0

Ka dib dilkii loo gaystay saraakiishii ka tirsanaa ciidamada somaliland oo ka soo jeeday Boorama waxa soo baxay warar sheegaya in badhasaabkii gobolka Awdal oo ka soo jeeda bariga Burco uu iskaga soo baxay gobolkaasi.

Siyaasi Cabdinaasir Buuni oo ka soo jeeda gobolka Awdal ayaa shaaca ka qaaday in badhasaabkii gobolka Cabdiraxmaan Axmed Cali uu ka soo baxay magaalada Boorama.

 

 

Siyaasi Cabdinaasir Buuni oo ka hadlaya talaabada badhasaabka Awdal kaga soo baxay gobolka ayaa waxa uu yidhi

“Waxa ayaan daro ah in badhasaabkii gobolka Awdal markii uu maqlay dhacdadii foosha xumayd ee saraakiisha lagu laayey uu isna ka soo anba baxay gobolka Awdal, waana talaabo iswaydiin leh oo masuuliyad daradeeda leh waayo qaran ayuu matalayey saraakiisha la dilayna qaran ayey u dhinteen.”

Siyaasi Cabdinaasir Buuni ayaa intaas raaciyey “Gobol ka mid ah gobolada ugu taariikhda wanaagsan somaliland ayuu badhasaab ka ahaa nasiib wanaagiisa waxaana la gudboonayd in bulshadii soo yaacday ee kabo la,aanta ku soo baxay markii ay maqleen in waalidiintoodii lagu laayey bariga intuu soo abaabulo madaxweynihii qaranka umuu keenin oo muu odhan madaxweyne waa eheladii saraakiisha la dilay ee ka tacsiyadee,gobolkiina kumuu noqon oo fariin umuu dirin ileen waa xidhiidhiyihi dawlada iyo gobolka balse Hargeysa ayuu ku soo nastay waxaasina masuuliyad maaha madaxweyne.”

Sidoo kale waxa uu bogaadiyey taliyaha ciidanka booliska gobolka Awdal, saraakiisha degmooyinka iyo qaybaha kale ee ciidanka, kaas oo uu sheegay inuu qaatay masuuliyadii badhasaabnimo ee gobolka.

Sidoo kale siyaasi Buuni ayaa madaxweynaha somaliland ugu baaqay inuu talaabo deg deg ah ka qaado badhasaabka gobolka Awdal.