Aqoonyahan jamal Cali Xusen, Bal car waa kuwaase labada shakhsi ha ka faa’iideystaan prof Cali Khaliif iyo prof Axmed Ismaaciil Samatar,

0

Intee Ayey Beentu Si Socon Kartaa. Hadaanay Jireyn Somaliland La wada Leeyahay”Jamal Cali Xuseen.

“Karis xun iyana wax ku la’” prof Cali Khaliif Galaydh waa runtii Oo weli Somaliland la wada leeyahay inay sameysanto ayaan aniga iyo dadka badankooduba ku raacsan nahay.

Si aftahanimo leh Oo macquulana wuu uga jawaabay su,aalihii la weydiiyey isaga iyo prof Samatarba. Heshiiskii uu Madaxweyne Ahmed Siilaanyo la galay in la hirgeliyo waa muhiim.

Laakiin inkaar baa kaga dhacday siyaasiyiinta Somaliland inay heshiisyada ay galaan inay hirgeliyaan. Umaba arkaan axdi xaashi lagu qoray Oo dad ka markhaati yihiin Oo aakhiro la weydiin doono. Ma Caqli xumo ayeey ka tahay, Ma khiyaamo ayeey ka tahay. Aakhirkana iyaguun bay dhaawacda Oo kolka danbe beentooda lagu bartaa. Intee ayeey beentu si socon kartaa. Hadaanay jireyn Somaliland la wada leeyahay, iyana wax ku la’ waana sababta aanay u jirin siyaasad cad Oo jiho leh Oo ay siyaasadeena arrimaha dibaddu raacdo. Waa siyaasad ku sheeg iska gole ka fuul ah iyo kolba nin cad Oo laysla soo sawiro. Bal car waa kuwaase labada shakhsi ha ka faa’iideystaan prof Cali Khaliif iyo prof Axmed Ismaaciil Samatar, dawladii Siilaanyo ayaaba labadooda isku dayday inay soo dhaweyso. Kolka siyaasadda arrimaha gudaha laga shaqeeyo ee ay ifayso ee dadka walaalaha ah ee wada nool laysku soo dhaweeyo ee wax la wada yeesho ayaa siyaasadda arimaha dibadana laga shaqayn karaa. Dal ehelu caqliga iyo ehelu cilmiga neceb meel gaadhi maayo. Karis xun iyana wax kula’

QALINKII; Aqoonyahan  Jamaal Cali Xuseen.