Toogashadii New Zealand: RW Jacinda oo la ilmeysay arrin ay ku aragtay dadkii isbitaallada la dhigay

0

Baarlamaanka dalka New Zealand ayaa u codeeyay in la mamnuuco hubka nooca u sameysan sida kuwa milatariga ee darandoorriga u dhaca, ka dib weerarkii lagu qaaday masaajidyada Christchurch.

Mooshinka ku saabsan wax ka baddalidda sharciga hubka ayaa lagu meel mariyay 119 cod oo taageertay iyo 1 cod oo kasoo horjeestay, iyadoo aqrintii ugu dambeysay maanta laga sameeyay baarlamaanka.

Waxaa la filayaa in dib u eegista lagu sameeyay sharcigan ay ku dhaqan gasho maalmaha soo socda.

 

Ra’iisul wasaare Jacinda Ardern ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday isbaddalkan cusub oo dadaalkiisa la billaabay wixii ka dambeeyay weerarkii 50-ka ruux lagu dilay ee bishii lasoo dhaafay ka dhacay masaajidyo ay dad muslimiin ah ku cibaadeysanayeen.

Iyadoo illinta isku celineysa ayey maanta oo Arbaca ah baarlamaanka hortiisa ka sheegtay in xildhibaannadu ay halkaas u joogeen “dadkii la dilay iyo qoysaskooda dartood”.

Waxay sheegtay in markii ay booqatay isbitaallada ay ku jiraan dadka dhaawaca ah ay la kulantay arrin ay aad ula xanuunsatay.

“Halkan waxaan u joognaa dadkii waxyeellada loo geystay iyo ehelalooda awgood, markii aan dhaawacyada ku booqday isbitaallada ma jirin mid ka mid ah oo qabay hal dhaawac oo xabad ah, qof walba waxaa ku yaallay dhaawacyo badan oo rasaas ah, ma xasuusan karo hal ruux oo xabad qura ay ku dhacday”, ayey tidhi Ardern.

“Waxay noqon doonaan naafo inta noloshooda ka dhiman, taasna waa marka aan la eegin dhibaatada u soo wajaheysa niyad ahaan”.

“Noocan hubka ah waxaa loo sameeyay in wax lagu gumaado, waana sababta ay wax u xasuuqeen 15-kii bishii Maarso.

 

Xeerka cusub ayaa wax ka baddalaya sharciga hubka ee la ansixiyay sannadkii 1983-kii, iyadoo horayna dhowr jeer la isugu dayay in dib u eegis lagu sameeyo sharcigan.

Waxaa la mamnuucayaa hubka ay milatariga isticmaalaan ee u dhow kuwa darandoorriga u dhaca, iyo sidoo kale qalabka laga sameyn karo hubka noocaas ah.

Ninka fuliyay weerarkii labada masaajid ayaa la rumeysan yahay in qoryaha uu isticmaalayay uu ku kordhiyay qasnado heer sare ah oo rasaas badan qaadaya.

cid walba oo lagu helo inay sharcigan ka tallaabsatay waxay waji doontaa xukun xabsi ah oo u dhaxeeya 2 ilaa 10 sano.

Magangalyo dadka fursad loogu siinayo inay hubkaas isaga soo wareejiyaan ayaa jiri dioonta ilaa bisha Sitembar ee sannadkan.

Yaa kasoo horjeestay mooshinkan?

David Seymour, oo ah hoggaamiyaha xisbiga ACT ayaa ahaa xildhibaanka kaliya ee kasoo horjeestay hindise sharciyeedka ku saabsanaa isbadalka xeerka cubka.

Wuxuu ku dooday in mooshinkaas “uusan ahayn mid lagu xoojinayo amaanka dadweynaha”, balse uu yahay mid “lagu ciyaarayo shax siyaasadeed”.

Jacinda Ardern ayaa sheegtay in baarlamaanka uu qarka u saarnaa in gabi ahaanba uu ka midoobo arrintan, maadaama uusan jirin wax kale oo hadda ka muhiimsan.

Maraykanka oo Turkiga uga digay gadashada gantaallo uu ka baqayo

Dilalka argagaxa leh ee ay qaar ka mid ah ragga Soomaaliyeed u geystaan xaasaskooda

Xarumo dumarka u gaar ah oo laga furey Burco iyo Istanbul

Lammaane xafladdoodii arooska ku dhigtay goobtii Cilmi Boodhari ee Batalaale

Ra’iisul wasaare: Diyaaraddeydu waxay si dirqi ah uga baxsatay diyaaradaha dagaalka ee Turkiga

Halkan ka dhageyso wareysiga Madaxweyne Saciid Deni oo dheer

Wax ka ogow hannaanka loo maro xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya

Sidee dareemi lahayd haddii aad goolhaye ka noqoto Soomaaliya?