Saraakiil Sare oo ka Socotay wasaarada xanaanada Xoolaha iyo kaluumaysiga oo Qufushay Geerashkii dayactirka Doonayaha

0

Saraakiil Sare oo ka Socotay wasaarada xanaanada Xoolaha iyo kaluumaysiga oo Qufushay Geerashkii dayactirka Doonayaha ee Dhawaanta aay samaysay shirkada  Fair Fishing oo Kaluumaystada iyo Xirfadlayashaba caawisa,,

Axmed aadan Madoobe  oo ah Agaasimaha waaxda kaluumaysiga ee wasaarada xananada xoolaha iyo kaluumaysiga iyo cabdikariin xirsi farax oo ah latilyaha  arimaha kaluumaysiga  wasiir xasan gaafaadhi ayaa labadii casho ee u danbeeyayba joogay berbera  waxaana la sheegay safarkoodu inuuu daaranaa sidii aay ula wareegi lahaayeen shaqada aay berbera ka hayso hay,ada fair fishing oo Somaliland heshiis kula jirta ah taakulaynta kaluumaysatada ah,

Wararka  aanu ka helnay illo xog ogaala ayaan noo xaqiijiayay in labadaa masuul  aay ku amreen maamu;aha hay,ada fair fishing  yuusuf  cabdilaahi guuleed in uu  ku wareejiyo  xarunta baraf dhaliayaha iyo geerashka ka lagu dayactiro gadiidka bada oo dhawaan uun hay,adu samaysay,

Sida lanoo xaqiijiyayana  Gudoomiyaha Hay,ada fair Fishing  wuu ka diiday dalabkoodaa waxaanu u sheegay saraakiishan waaxda kaluumaysiga ee wasaarada ka socday in aanu awoodaa lahayn in uu wax wareejiyo   iyaguna aanay Awood u lahayn in aay wax la wreegaan ,Arinkaninan  yahay   mid utaala  masuuliyiinta  sare ee hay,ada fair fishing iyo madaxad sare ee wasaarada xanaanada xoolaha iyo kaluumaysiga,

Dabcana waxaany ugu jawaabeen  masuulkan Gudoomiayah ka ah Hay,ada  fair Fishing Somaliland in Awood loosoo siisay sahaqadan inkastoo wasiirkii wasaaaradu ku maqan yahay arimo caafimad dalka dibadiisa waxay u sheegeen in wasiir ku xigeenkiii  wasaarada Yurub Abiib iyo agasimaha guudba la ogyihiin, Waxana ku saxeexnaa warqada Yurub Abiib

Intasi kadib labada masuul ee ka  socday wasaarad xanaada xoolaha waaxdeeda kaluumaysiga  waxay u tageen badhsaabka gobolka saaxil waxany usoo bandhigeen shaqad aay u yimadeen  sid xogo aanu ku helnayna badhasaabku wuu dejiyay  Waxaanu u sheegay in Qoraalkan aanu wax og ah ku lahayn oo si toosa aay ugu socoto hay,ada fair fishing, laakiin dheg jalaq umay siinin ee quful ayaay kusoo dhufteen  qaybta geesrshaka ah ee doonyaha lagu dayac tiro, halka Goobta baraf Dhaliyaha aay u suur gali wayday in aay qufulaan sababtoo ah kaluun ayaa ka buuxay,

Hadaba hay,ada fair fishig waxaay heshiis la gashay Xukuumada Somaliland sanadkii 2016 ,Heshiiskasina wuxuu dhigayay in mudo saedx sano ah aay taakuleeyaan kaluumaystada qalab iyo tabobarbana ay siiyaan, Sida La xaqiijiyayana Shan magaalo oo somalilan ah waxay ka sameeyeen xarumo barafdhaliye Sida saylac+ laasqoray+ Bulaxar+ Berbera iyo Burco Dhamaantoodna Xarumahaasi way shaqeeyaan dana waaloo tabobary, waxay Bixyeen tabobaro iyo qalmba  Mudadii Heshiiskana waxaa ka hadhay sadex Bilood, Laakiin Mar aanu wax ka waydiinay Masuulka fair Fishing Gudoomiyaha u ah Somaliland Wuxuu Noo hseegay in aanu garanayn sababta xiligan mushkilada keenaty waxaanu intaa ku daray in shirkad aahan aanay jabinayanin heshiiskii aay la galeeen Somaliland diyaaarna u yihiin waqtigeeda in ay aay dalak Somaliland ku wareejiyeen tacab badan iyo kaluumaystao xirafad leh oo qalabaysan,