Raysal Wasaraha dawlad Xamar oo Xilal magacabay

0

Raysal wasaaraha dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa magacaabay sadex wasiir oo xukuumadiisa ka banaanaa.Saalax Axmed Jaamac oo ahaa Wasiirkii Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa loo magacabay xilkii uu ka geeriyooday Wasiirkii hore ee Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil,iyadoo Saalax Axmed uu noqonayo wasiirka Dastuurka.

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa isna loo magacaabay Sadiiq Xirsi Warfaa ,oo ay isku beel ahaayeen Wasiirkii hore ee Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo bishii la soo dhaafay geeriyooday.

Fowziyo Maxamed Sheekh ayaa loo magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha oo ahaa mid banaanaa, waxaa horay xilkaas isaga casilay Cabdicasiis Lafta Gareen oo loo doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Wasiirrada la magacaabay, sidoo kale waa xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka,iyadoo magacaabiistooda ay kor u qaadeyso tirada Xildhibaanada Wasiirada ah ee ku jira xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre.