Dagaalka Libiya oo sii xoogeystay iyadoo ciidamada Xaftar ay Tripoli ku wajahan yihiin

0

Dagaalka ka soconaya nawaaxiga caasimada Tripoli ayaa sii xoogeystay , iyada oo wararku ay sheegayaan in ciidamo daacad u ah Gen Khalifa Haftar ay ka galeen magaalada saddex jiho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in milatariga Haftar ee isku magacaabay ciidamada qaranka Libya ay haatan u galeen gudaha magaalada 25 kiilo mitir.

Sidoo kale wararku waxa ay tibaaxayaan in mid ka mid ah maleeshiyaadka ugu xoogan Tripoli oo loo yaqaano RADA ay dhinac u baxeen ayna taageerayaan haatan General Xaftar.

Wararkii ugu dambeeyay ee BBC ka qortay dagaalka Libya, waxaa isku soo aruuriyay soo jeedinayana Xasan Sheekh Cumar

 

Dagaalka soo cusboonaaday ayaa ku baahay nawaaxiga caasimada Tripoli, waxa uuna dhexmarayaa xoogaga taabacsan xukuumada caalamku aqoonsan yahay ee Libya iyo dagaalyahanada falaagada ee fadhigoodu yahay bairga dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhacyada u dhexeeyo milatariga Gen Khalifa Haftar iyo kooxaha taageera dowladda uu ka soconayo sadex goobood oo ku yaala koonfurta Libya.

Caasimada Tripoli ayaa xarun u ah dowlada Qaramada Midoobay ay taageerto caalamkuna aqoonsan yahay.

Qaramad Midoobay iyo dhowr dowladood oo reer galbeed ah ayaa ugu baaqay dhinacyada colaadu u dhexeso inay heshiis ka gaaraan dagaalka sii xumaanaya.

Kolsii horeysay ergeyga Qarama Midoobay u qaabilsan Libya Ghassan Salame, ayaa sheegay inay ka go’antahay in la qabto bishaan shir lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada isku haya Libya.

 

Ergeyga Qarama Mdoobay oo ee Libya ayaa ku adkeystay in shirkaasi la qorsheeyay oo looga hadli doono suuragalnimada doorahsooyn cusub oo ka dhaco dalkaasi uu qabsoomi doono.

Khudbad uu telefishinka ka jeedayay madaxa xukuumada ay taageerto QM, raisal wasaare Fayez al-Sarraj, ayaa ku eedeeyay Gen Haftar inuu bilaabay inqilaab milatari.

Mr al-Sarraj ayaa hseegay in xukuumadiisu ay xooga saartay dhanka amnia, balse waxa uu sheegay in Gen Haftar uu kala kulmi doono awood iyo casiima.

Ciidamada Qaramada Midoobay ee ku sugan caasimada Tripoli ayaa heegan buuxa la galiyay.

Dalka Libya ayaa wxaa burburiyay colaad iyo xasilaano darro siyaasadeed tan iyo markii hogaamiyihii mudada dheer xukumayay Mucamar Alqadafi xilka laga tuuray lana dilay sanandkiii 2011.