Madaxweyneyaasha Kenya iyo Uganda oo safar taariikhi ah wada galaya

0

Madaxweyneyaasha Kenya iyo Uganda oo safar taariikhi ah wada galaya

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa noqon doona hoggaamiyihii u horreeyay ee ajnabi ah ee ku safra tareenka isku xidha magaalo xeebeedka Mombasa iyo caasimadda Nairobi kaas oo kharashka lagu dhisay laga helay dalka Shiinaha.

 

Waxaa safarkaas ku wehelin doona madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo labada masuul ay diiradda saarayaan sidii lagu xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Museveni ayaa sheegay in khadka tareenka ee lagu dhisay 3.2 bilyan oo doolar in uu wax ka qabtay dhibaatadii soo noqnoqon jirtay ee shixnadaha uga yimaadda magaalada Mombasa maadaama uusan dalkiisu bad lahayn, uuna rajaynayo in la gaarsiin doono Kampala oo ah caasimadda dalka Uganda.

“Anaga oo dib boorka uga jafayna dhaqaalaha dalalka u kala goosha, waxaan ka rabnaa in aan aragno khadka tareenka oo la sii ballaariyay.

Waxaan ogahay in marka la dhamaystiro khadkaas Kampala lagu tagi doono 24 saac” ayuu yiri Yoweri Museven, sida uu wargayska The East African ka soo xigtay

Kenyatta ayaa xariga ka jaray khadka tareenka bishii May ee sannadkii hore, isaga oo arrintaas bogaadinaya ayuuna ku tilmaamay taariikh cusub oo uu hoosta ka xariiqay dalkan Bariga Afrika ku yaalla.

Mashruuca tareenkan ayaa ahaa midkii ugu waynaa kaabeyaasha dhaqaalaha ee Kenya laga hirgaliyo tan iyo markii uu dalkaasi xoriyadda ka qaatay Britain sannadkii 1963dii.

Si kastaba ha ahaatee waxaa ka dhashay muran badan. Labo masuul oo sare oo dawladda Kenya ka tirsan ayayna maxkamaddi ku soo oogtay dacwaddo la xiriira musuqmaasuq bishii Agoosto ee sannadkii hore iyaga oo loo haysto wax isdabo marin ku saabsan dhaqaalihii lagu dhisay tareenka.

Labadaas masuul ayaa lagu eedeeyay in ay labo milyan oo doolar u shubeen shirkad si been ah u sheegatay in dhul ay leedahay uu maray khadka tareenka.

Masuuliyiintaas iyo 15 ruux oo kale ayaa diiday eedaymaha loo soo jeediyay.