Maxkamad sare ee marayknka oo Taageertay dalka Suudaan,

0

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Talaadadii beddeshay xukun ku amray dowladda Sudan inay magdhow siiso qoysaska 17 askari oo sanaddii 2000 lagu dilay qaraxii markabka Mareykanka ee USS Cole ee Yemen.

Maxkmadda ayaa go’aanka gaartay ayada oo la eegay habka loo maray dacwadda ka dhanka ah Sudan. Ayada oo la eegayo sharciga la xiriira dacwad kusoo oogista dalalka, waxay ahayd in dowladda Sudan ashtakada ka dhanka ah loogu diro magaalada Khartoum intii loogu gudbin lahaa safaaradeeda magaalada Washington.

12-kii October 2000, doon ka sameysan bambiiro oo laga buuxiyey walxaha qarx ayaa qarxisay markabka USS Cole oo ku sugnaa xeebta magaalada Cadan ee dalka Yemen oo uu shidaal ka qaadanayey.

Weerarkaas oo ay sheegtay kooxda Al-Qacida ayaa waxaa ku dhintay 17 askari iyo laba qof oo weerarka fuliyey.

Maxkamad Mareykan ah ayaa xukuntay in Sudan, oo labada qof ee weerarka fuliyey ay ku tababarteen, ay mas’uul ka tahay weerarka, eedeymahaas oo Sudan ay beenisay.

Sanaddii 2012, garsoore ku sugan Washington ayaa Sudan ku amray inay qoysaska dhibanayaasha siiso in ka badan 300 oo milyan oo dollar oo madgdhow ah. Garsooreyaal kale ayaa sidoo kale ku amray bankiyada Mareykanka qaarkood ee haya hantida Sudan inay siiyaan qoysaska loo xukmiyey.

Si kastaba, go’aanadaas ayaa waxaa naqdiyey Maxkamadda Sare.

Dowladda Sudan ayaa soo dhoweysay go’aanka Maxkamadda Sare. “Go’aanka Maxkamadda Sare ee Mareykanka waxa uu caddeyn u yahay in Sudan aysan taageerin argagixisada” Ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Sudan.

Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa yimid, xilli ay Washington iyo Khartoum ay u socdaan wada-hadallo ku saabsan sidii Sudan looga saari lahaa liiska Mareykanka ee dalalka taageera argagixisada.