Buug ay qortay Michelle Obama oo 10 milyan laga iibsaday

0

Buug xusuusteeda ay ka qortay xaaska madaxweynihii hore ee Maraykanka, gabadha lagu magacaabo Michelle Obama ayaa noqday kan loogu iibsiga badanyahay dalka Maraykanka.

Waxaa la qoray shan bilood uun ka hor, illaa iyo haddana waxaa laga iibsaday 10 milyan oo nuqul sida ay sheegtay shirkadda daabacaadda ee Bertelsmann.

“Waxaan aaminsanahay in buuggan uu noqon karo loogu iibsiga badnaa ebed” ayuu yiri Thomas Rabe oo mas’uul ka ah shirkadda daabacaadda.

Shirkadda ayaa sannadkii 2017-kii Michelle u shubtay lacag dhan $60 milyan oo doolar si shirkadda ay ula wareegto xuquuqda daabacaadda buugga.

Waxaa isna jira buug uu qoray Obama oo aanan weli la daabicin, kaas oo xuquuqdiisa ay shirkadda haysato.

Shirkadda Nielsen oo la socota buugaagta ayaa sheegtay in buugga Michelle uu ku jiro kaalinta 11-aad , marka laga hadlayo 20-ka buug ee loogu iibsiga badanyahay ee xagga taariikh nololeedyada.

Buugga Michelle Obama oo ka hadlaya carruurnimadeedii, shaqadeedii illaa xilligii Aqalka Cad ay tahay ayaa ah mid aad loo amaanay caalamka oo dhan.

Waxa uu ka hadlayaa dhibaatadii ay kala kulantay guurkeedii Barack Obama, waxaa xitaa ku jira macluumaad la xiriira ilmo kasoo halaabay, halka labada ilmo ee ay heystaan ay ku dhashay hab caafimaad oo loo yaqaano IVF.

Waxa ay sidoo kale buugga ku dhaleeceysay madaxweynaha hadda jooga Donald J Trump, iyada oo ay sheegtay in aysan waligeed cafin doonin dhibaatadii uu u geystey qoyskeeda markii uu muran galiyay dhalashada Obama ee Maraykanka.