Shirkada Diyaarada Caalamiga Ah Ee Turkish Earlines Oo Hakisay Duulimaadyadii Magaalada Muqdisho

0

Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa shaacisay in todobaadka ugu horeeya ee Bisha Apriil ay baaqan doonaan duulimaadyadii Diyaaradaha Shirkadaas ay ku imaanjireen Garoonka Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Shirkadda ayaa lagu sheegay in sababa la xidhiidha ka guurista Garoonka Ataturk Airport oo looga wada guurayo garoonka cusub New Istanbul Airport., isla markaana Shacabka Soomaaliyed looga baahan yahay inay dul qaataan.

Maalmaha ay duulimaadyada baaqan doonaan ee Bisha Apriil ayaa shirkadda waxa ay ku sheegtay.

06 April 2019

07 April 2019

08 April 2019

09 April 2019

11 April 2019

13 April 2019

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa todobadkii in ka badan Lix jeer waxa ay ku safri jireen kuna imaan jireen Diyaaradaha Shirkadda Turkish Airlines, hayeeshee todobaadka ugu horeeya ee Bisha April ay hakad galayaan.