BBC Mas’uuliyiinta Somaliland oo faahfaahin ka bixiyay booqashada wafdi ka socday Eretariya

0

Wasiirka arrimaha dibadda ee jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa sharraxaad ka bixiyay ujeeddada ay mas’uuliyiin ka socda dalka Eretariya maanta u tageen magaalada Hargeysa.

Wafdiga ka socday Eretariya oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas Cismaan Saalax, uuna la socday la taliyaha madaxweynaha Eretariya ayaa waxa ay markii hore kulan ay saxaafaddu dibad joog ka ahaayeen la yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada.

Markii uu soo dhammaaday kulanka ay albaabadu u xirnaayeen ayaa waxaa warfidiyeenka si wada jir ah ula hadlay wasiirka arrimaha dibadda ee jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaaliland Yaasiin Maxamud Faratoon iyo dhigiisa Eretariya Cismaan Saalax.

Faratoon oo ka warramayay ujeeddada socdaalka wafdiga Eratariya ayaa yidhi: “Wafdi heer sare ah oo ay hoggaaminayaan wasiirka arrimaha dibadda ee Eretariya iyo la taliyaha madaxweynaha ayaa halkan noogu yimid, waxay u yimaadeen inay ka shaqeeyaan oo ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga dalalka geeska Afrika, gaar ahaan labada dal ee Eretariya iyo Somaliland, sidii arrimahaas looga wada hadli lahaa oo fikrado la isula wadaagi lahaa ayay u yimaadeen, si wanaagsan baann annaguna xageenna u soo dhaweynay”.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Eratariya ayaa mar uu dhankiisa ka hadlayay ujeeddada socdaalkooda waxa uu yidhi: “Wafdiga Eratariya waa mid lasoo diray, waxaana nasoo diray madaxweynaheenna Isaias Afwerki, waxaan rabnaa inaan ugu yaraan ogaanno xaaladda iyo waxa ka saocda Somaliland. Waan ka fogeyn arrimaha ka jira geeska Afrika 20-kii sano ee ugu dambeeyay, sababtoo ah xaalad xun ayaan ku jirnay, Eretariya waxaa dagaal kusoo qaaday TPLF, ka dibna waxaa xigay in xayiraad nala saaro, waxaana intaas halgan ugu jirnay inaan ka xorowno caburintaas, waqti xaadirkan nabad ayaa ka curatay geeska Afrika, gaar ahaan Itoobiya iyo Eretariya, waxaana billownay inaan iskaashi sameyno, maadaama aan waqti badan maqneyn hadda waxaa la gaaray xilligii aan Somaliland aadi lahayn oo aan xaaladda ogaan lahayn”.

Waa markii ugu horreysay ee Somaliland uu gaaro wasiir arrimo dibadeed oo ka socda dalalka geeska Afrika.

Sannadkii 1994-kii ayuu madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal booqasho ku tagay Eretariya, xilligaas oo uu la kulmay madaxweynaha waddankaas.

Waqtigaas wixii ka dambeeyay ma uusan hagaagsaneyn xiriirka Eretariya iyo Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.