Xildhibaan Bedka Soo Dhigay Lacago Malaayiin Dollar Ah oo Laga Dhoofiyo Madaarka Cigaal Ee Hargeysa

0

Guddoomiyaha gudida dhaqaalaha ee golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Cumar Sanweyne oo maanta hadal ka jeediyay kulan ay yeesheen mudanayaasha golaha Wakiilada, ayaa sheegay in Xawaalada dalka ka hawl gala ay lacago malaayiin dollar ah ka dhoofiyaan garoonka diyaarada Cigaal ee Hargeysa.