Home Wararka Qoraal uu Xafiiska Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed ka soo saaray Kulankii Faraajo &...

Qoraal uu Xafiiska Ra’iisal-wasaare Abiy Axmed ka soo saaray Kulankii Faraajo & Uhuru+Waxay ku heshiiyeen

0
Qoraal uu Xafiiska Abiy Axmed ka soo saaray Kulankii Faraajo & Uhuru+Waxay ku heshiiyeen
View image on TwitterView image on TwitterView image on Twitter

Office of the Prime Minister – Ethiopia

@PMEthiopia

Through the leadership of PM Abiy Ahmed, @UKenyatta & @M_Farmaajo met this morning to discuss extensively on the source of the two countries dispute. As an outcome both agreed to work towards peace & to take measures in addressing particular issues that escalated the tensions.

Through the leadership of PM Abiy Ahmed, & met this morning to discuss extensively on the source of the two countries dispute. As an outcome both agreed to work towards peace & to take measures in addressing particular issues that escalated the tensions.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in dib loo soo celiyo oo la sii xoojiyo calaaqaadka dublamaasiyadeed ee xumaaday maalmihii u dambeeyay, sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya.

Agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay qodabada heshiiska ka soo baxay, wuxuuna u qornaa sida tan:

FARRIIN KU SOCOTA SHACABKA IYO SAXAAFADDA:

1. Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Mudane Uhuru Kenyatta ayaa wada hadallo ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada Kenya.

2. Madaxdu waxay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay Dowladda Kenya hoos u dhigtay.

3. Labada Danjire waxay ku laabanayaan safaaradahooda.

4. Ajandaha wada hadallada wax uu ku koobnaa oo #KALIYA xal u helista mad-madowga diblomaasiyadeed ee labada dal soo kala dhex galay.

5. Madaxweynayaashu kama wada hadal, lamana soo shay qaadin Kiiska Maxkamadda Caddaaladda Adduunka, Dowladda Soomaaliyana mawqifkeeda waa mid cad oo aan mugdi ku jirin.

6. Madaxweynayaashu waxay uga mahadcelinayaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya kaalinta uu ka geystay wada hadalladan, si dalalka gobolku ay ugu wada noolaadaan daris-wanaag, is-ixtiraam, iskaashi iyo wada shaqeyn.

MAHADSANIDIIN

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada JFS
Abdinur Mohamed Ahmed