C/Raxmaan C/Shakuur Oo Si Adag U Dhaliilay Qoraal Ay Madaxtooyada Somalia Ka Soo Saartay Kulankii Farmaajo Iyo Uhuru

0

Hoggaamiyaha Mucaaradka ee Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si weyn u dhaliilay War saxaafadeedkii Madaxtooyada Soomaaliya ka soo saartay kulankii Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in qoraalka Villa Somalia uu yahay xadgudub lagula kacayo caqliga iyo garaadka shacabka Soomaaliya, isla markaana aan la soo hadal qaadin xuduntii khilaafka.

“Waa xadgudub lagula kacayo caqliga iyo garaadka shacabka Soomaaliyeed in ay Villa Somalia tiraahdo Kenya iyo Soomaaliya way heshiiyee iyaga oo aan soo hadal qaadin xuduntii khilaafka dhalisay”ayuu yidhi C/raxmaan C/shakuur.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in waajib dastuuri iyo mid wadani ay tahay in shacabka runta loo sheego, waxaana uu ugu baaqay Madaxweynaha inuu runta ka sheego wada hadaladii Addis Ababa iyo Nairobi.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Saxaafadda Soomaalida in aysan soo minguurin qoraalka Villa Somalia ee ay baaritaan dheeraad ku sameyso su’aalo wax ku oolna la timaado.

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa goor sii horeysay qoraal u muuqday mid hal dhinac ah ka soo saartay wada hadalada Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenuya Uhuru Kenyatta, iyadoo aan la socon faah faahin rasmi ah.

Shalay ayay aheyd markii sidan oo kale Madaxtooyada war kooban uga soo saartay wada hadaladii Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Ahmed oo kaliya ku koobtay xoojinta xiriirka labada dal, balse waxaa mar dambe qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya looga hadlay qodobada looga hadlay kulanka, taasoo shaki badan dhalisay sida Madaxtooyada aanay markii hore u faah faahin