Kumanaan ruux oo ku mudaaharaadaya magaalooyin Itoobiya ku yaalla

0

Kumannaan ruux oo reer Itoobiya ah ayaa mudaaharaadyo ka billaabay ku dhawaad toban magaalo oo ku yaalla gobolka Oromada ee dalka Itoobiya.

Arrintan ayaa timid maalin ka dib markii maamulka Addis Ababa uu qaybiyay kumannaan guri oo ay iibisay.

Dadka mudaaharaadaya waxaa ka mid ah beeralay sheegay in iyaga laga qaaday dhulka ay dawladdu dhistay, ka dib markii ay dawladdu ka siisay magdhaw aan dhulkooda u qalmin, sidaas daraadedna aysan dawladdu xaq u lahayn in ay bixiso guryo gobolkooda laga dhisay.

Mudaaharadyadan ayaa ah kii ugu horreeyay wayn tan ee la xiriira gobolka Oromada tan iyo markii uu xilka qabtay ra’iisulwasaare Abiy Axmed ku dhawaad sannad ka hor.

Oramada oo ku dhawaad saddex meloodaw meel ka ah bulshada Itoobiya ayaa in badan ka cabanayay in laga qadiyay maamulidda dalka iyo horumarka dhaqaale ee isbadalka baaxadda leh ka dhaliyay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa sannadihii u dambeeyay.

Mudaaharaadyada noocn oo kale ah ayaa ka billawday dib ukala xadaynta magaalada Addis Ababa iyo gobolka Oromada, qorshahaas ayaana markii dambe laga laabtay.

Masuuliyiinta gobolka Oromadu wali kama aysan hadlin arrintan.