Dawlada xamar oo lix bilood kalkeedii gudooomiye ka noqon doonta golaha wasiirada ee jaamacda carabta

0

 Soomaaliya ayaa la wareegtay oo hoggaanka u qabtay guddoonka golaha wasiirrada ee Ururka Jaamacadda Carabta, kalfadhiga 151-aad oo ka furmay magaalada Qaahira.

Amb. Cawad ayaa sheegay in lixda bilood ee soo socota ay Soomaaliya qaban doonto Hoggaanka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta tan iyo sanadkii 1974-kii.

Soomaaliya ayaa 10 sano ka hor shir guddoomisay Shirka Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Qaahira, waxaana xilligaas shir guddoomiyay Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.