Warqadii Ogolaanshaha ee Ciidamada Australia Ayaa Iga Luntay Laakiin waxay ii sababtay in aan maanta Milyoneer ahay, Sababtee

0

Barnaamijka isbuuclaha ah ee lagu magacaabo The Boss series waxay BBC-du ku eegtaa taariikhda dadka hoggaamiya ganacsiyada waaweyn ee adduunka. Isbuucan waxaan la hadalnay Scott Farquhar, oo aasaasay madaxna ka ah shirkad software ah oo lagu magacaabo Atlassian.

Scott Farquhar wuxuu xasuustaa sidii ay noloshiisa isku baddashay iyo wixii sababta u ahaa.

Ganacsadahan u dhashay dalka Australia wuxuu qarka u saarnaa inuu markii hore ku biiro ciidanka Milatariga ee dalkiisa, kadib markii uu dhameystay waxbarashada dugsiga sare.Laakiin warqaddii kasoo baxday wasaaradda difaaca ee Australia, ee loogu oggolaanayay inuu ku biro ciidanka ayaa ka luntay.

Markii warqadda dib loo soo helay labo bilood ka dib, isagu wuxuu horayba usii billaabay jaamacad, wuuna ka talo baxay fikirkii hore.

Warqaddaas luntay ayaa sabab u noqotay in isaga iyo ninka ay ganacsiga shirkada ku yihiin ee lagu magacaabo Mike Cannon-Brookes ay cagta saaraan waddo ay ugu dambeyn ku noqdeen bilyaneerro.

Waxay noqdeen bilyaneerradii ugu horreeyay Australia ee lacagtooda ka dhaliyay shirkad Tiknoolojiyad ah.

“Haddii warqaddaas aysan lumi lahayn ama xilli hore la heli lahaa, waxaa laga yaabi lahaa in arrintu ay sidaas ka duwanaan lahayd”, ayuu yidhi Scott, oo hadda ay da’diisu tahay 39 sano.

Labadan nin iyagioo aan lacag sidaas u badan heysanin ayey abuureen ganacsigooda sannadkii 2002.

Shirkaddooda tiknoolojiyadda hadda wuxuu qiimaheeda ku kacayaa lacag dhan $25bilyan oo doolar.

Labadan nin mid walba wuxuu gooni u heystaa lacag dhan $7 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.

Scott wuxuu sheegay in uu kusoo koray xaafad dadka dagan ay shaqeeyaan oo ka tirsan magaalada Sydney, sidaas awgeedna waligiis uu daneyn jiray barashada culuumta Kumbuyuutarrada.

“Waxaan xasuustaa habeen aan aad u ooyay, sababtoo ajh saaxiibkay ayaan Kumbuyuutar ku arkay, anigana Kumbuyuutar kiisa oo kale ah ayaan rabay”, ayuu yidhi.

Waalidkiisa ayaa markii dambe ku khasbanaaday iney u soo iibiyaan Kumbuyuutar, halkaas ayuuna ka billaabay barashada aqoonta ku saabsan Kumbuyuutarka.